Dalka Yemen oo looga dareeray doorasho Nin kali ahi Madaxweyne u sharraxan yahay

Sanca, 21 February, 2012 (SLpost)- Dadweynaha wadanka Yemen ayaa maanta markii ugu horreysay muddo tobanaan sanno ah u dareeray goobaha cod-bixinta si ay u soo doortaan Madaxweynaha Cusub ee dalkaasi yeelanayo iyadoo Mr. Mansuur Cabdo Rabi Haadi uu yahay Musharaxa kaliya ee u taagan Mansabka Madaxweyne.

Haweenay magaceeda hubinaysa ka hor intii aanay Codayn

Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in goobaha cod bixinta ee Magaalada Cadan ee Koonfurta dalkaasi kala badh la xidhay sababo dhinaca ammaanka ah, kadib markii goobahaas lagu dilay ilaa Sideed askari. Warku wuxuu intaas ku darayaa in codbixintu ay si fiican uga dhacday dalka intiisa kale iyadoo ammaanka xoog loo sugayo .

Dhinaca kale Ra’isal Wasaaraha dalkaasi ayaa ku baaqay kooxaha qaaddacay doorashadu inaanay ka hor joogsan dadka jecel inay codkooda dhiibtaan.

Codbixintan ayaa si rasmi ah u soo afjaraysa nidaamkii Cali Cabdale Saalax oo dalkaas ka talinayey muddo 33 sanno ah.

SOMALILANDPOST NEWS

Hargeysa, Somaliland