Dalka Kenya Oo Xafiisyo Diblomaasiyadeed Ka Furanaya Waddamo Somaliland Ku jirto

Nairobi (SLpost)- Dawladda Kenya ayaa qorshaynaysa inay xafiisyo dublomaasiyeed ka furato Lix waddan oo Somaliland ku jirto horaanta sannadkan.

Sida Aanu Ka Soo Xigannay warbaahinta Business Daily Afrika, madaxweynaha Kenya William Ruto oo ku hawlan siyaasaddiisa ku wejahan dib-u-habaynta xidhiidhka dibadda, ayaa wareegtadii 1aad ee soo saaro sannadkan 2023-ka, waxa uu ku go’aamiyey inuu xafiisyo dubloomaasiyeed ka furo Lix Waddan oo kala ah Djibouti, Somaliland, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Indonesia, Switzerland iyo Tanzania, kuwaas oo isugu jira waddamo ay Kenya hore ugu lahayd safaarado iyo dalal ay Nairobi markii u horeyso ku yeelanayso xafiisyo dublomaasiyeed.

Xafiisyada dublomaasiyeed ee Kenya ka furanayso magaalooyinka Carusha, Goma iyo Bern, ayaa noqonaya qunsuliyadodalkaasi ku soo kordhinayo Safaaradihii ay hore ugu lahaayeen dalalka Tanzania, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Switzerland.

Halka Safaaradaha la qorsheeyey inay Kenya ka furato Hargeisa, Djibouti iyo Jakarta ay noqonayaan markii u horeeyey ee dalkaasi Xafiis dublomaasiyeed ka furto dalalka Somaliland, Djibouti iyo Indonesia, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya oo Warbaahintu soo xigatay.

Warku waxa uu intaas ku daray korodhka lagu sameeyey tirada Xafiisyada dublomaasiyeed ee Kenya ku leedahay caalamka ka dhigayso 66 safaarado iyo qunsuliyado, kuwaas oo kordhin doona metelaadda dibadda ee dalka Kenya, korna u qaadi doonaan xidhiidhka dhaqaale, ganacsi iyo dhaqan ee Kenya la leedahay caalamka.

Korodhka Xafiisyadan dublomaasiyeed ee Kenya, ayaa ku soo beegmaya iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas lagu kordhayo waax dhan oo Qaabilsan Jaaliyadda Kenya ee Caalamka ku sugan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net