Dalka Imaaraadka Oo Samaynaaya Wasiirka Farxada iyo Wasiirk Dulqaadka Si Dhalinyarada Dalkaas Loo Soo Jiito

UAE(SLpost)-Ra’iisul-wasaaraha Isku-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ku dhawaaqay in la samaynayo wasiiru dowle qaabilsan farxadda iyo wasiiru dowle kale oo qaabilsan dulqaadka.

160209134538_uae_640x360__nocredit

Sheikh Moxamed bin Rashid Al Maktoum oo xukuma Dubai, ayaa sheegay in wasiirka uu samayn doono siyaasado “si loo sameeyo waxyaabo bulshada u fiican oo ay ku faraxsan yihiin.”

Wasiir dowlo cusub oo qaabilsan dulqaadka ayaa sidoo kale la sameeyay.Shiekh Moxamed ayaa sheegay in dhowr wasaaradood la isku daray, wuxuuna sheegay qorshe adeegyada dowladda ay ku qaban doonaan shirkado gaar ah.

“Uma baahnin wasaarado badan, laakiin waxaan u baahanahay wasaarado isbadal samayn kara.” ayuu ka sheegay shirka caalamiga ee dowladda ee ka socda Dubai. Waxaan u baahan nahay dowlad isbadal samayn karta, oo fulisa adeega ay dhalinyarada u baahan tahay iyo mustaqbalka dadkeena.” Ra’iisul-wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in la samaynayo Golaha Qaranka ee dhalinyarada UAE.

Kooxdan oo ka koobnaan doonto dhalinyaro dumar iyo rag ah, ayaa kala talin doona dowladda arrimaha dhalinyarada, waxaana hogaamin doona wasiiru dowladeed dumar ah, oo da’deedu tahay 22 sano, isagoo ku daray: “in firfircoonida dhalinyarada ay dowladeena ku shaqayn doonto mustaqlka.”