Dalka Iiraan oo bilaabay Dhuulatus Milatari oo ay ku difaacayaan Barnaamijooda Nukliyeerka wakhti ay booqasho ku joogaan xubno ka tirsan Qaramada Midoobay

Tehran, 21 February, 2012 (SLpost)- Dawlada Islaamiga ah ee Iraan ayaa Maanta bilowday Dhoolatus Milateri oo socon doona mudo afar cisho ah kaas oo ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii loo difaaci lahaa xarumaha Nukliyeerka ee wadankaasi hadii weerar lagu soo qaado.

Xukuumada Tehraan ayaa ballan-qaaday inay jawaab deg deg ah ka bixin doonto cid kasta oo isku dayda inay dhibaato u gaysato barnaamijka Nukliyeerka ee dalkeeda kaas oo ay ku doodeen inuu yahay mid ay ugu talo galeen cilmi baadhis hab nabadgalyo ah ku shaqeeya.

Geesta kale, aqoonyahano ka socda Hay’ada Adduunka u qaabilsan Quwada Atoomikada oo booqasho laba maalmood qaadan doontaa uga bilaabantay dalkaasi ayaa Maanta wada xaajood la leh madaxda wadanka Iiraan isla markaana kormeer ku samaynaya xarumaha Nukliyeerka ee dalkaasi.

Dawladaha reer galbeedka iyo Israa’il ayaa si xoog leh uga shakisan Mashruuca Nukliyeerka ee Iiraan isla markaana ku dhawaaqay in dawlada Iiraan ay ka been sheegayso barnaamijka quwada nukliyeerka ee ay ku hawlan tahay iyagoo tilmaamay inay u arkaan mid ay ku diyaarsanayso hubka halista ah ee wax gumaada ee Nukliyeerka.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net