Dalka Holland oo laga Iclimaamiyey Dagaal ka dhan ah Nooc Shinbiraha ka mid ah

Alkmaar (SLpost)-Dalka Holand ayaa shaaca ka qaaday inay dagaal la gelayaan nooc shinbiraha ka mid ah oo saamayn weyn ku yeeshay magaalo dalkaa ku taal.

Magaalada Alkmaar oo nooc shinbiro ah oo loo yaqaan Seagull ay dhibaato xooggan ku hayaan, ayaa la sheegay inuu bishan ka bilaabmi doono dagaal ay kaga hortagayaan saamayntooda.

alkmaaroorlogmeeuwen_grShinbirahan ayaa la sheegay inaanay heli doonin Ugxan u badbaadda, maadama qorshaha dagaalka magaaladaa uu jiro in Ugxanta Shinbirahaa loogu beddelo caagag ciid laga buuxiyey, sida lagu daabacay wargeys ka soo baxa dalkas ee  Noordhollands Dagblad.
Bedelaadda Ugxanta Shinirahaa ayaa la sheegay inay socon doonto ilaa wakhtiga, wasaaradda beeraha dalkaasi fasaxi doonto in talaabooyin adag loo maro dagaalka shinbirahaa.

Dagaalka shinbirahaa ayaan hore ugu jirin xeerarka lagu badbaadinayo dhirta iyo dabeecada, balse, xilligan u muuqda mid lagu soo kordhin doono.

SOMALILANDPOST.NET