Dalka Brunei oo maalinta bari ah isla ogolaaday in lagu Dhaqo shareecadda Islamka

Brunei (SLPOST) Wadanka Brunei oo ka mid ah wadamada koofur qaaradda Asia ayaa looga dhawaaqay in laga qaatay ku dhaqanka Shareecada Islamka.

 Burunei-

Boqorka wadanka Brunei a oo la yidhaahdo Sultan Hassanal Bolkiah ayaa ka sheegay magaalada caasimada ah Bandar Seri Begawan in maanta wixii ka dambeeya looga dhaqmayo shareecadda Islamka isla markaana wadanku yahay dal Islaami ah

Boqorku waxaa uu sheegay in dhamaan hay’addaha dawladu ay wax ku xukumayaan shareecadda Islamka dadkana lagu dhaqi doono.

“Maadaama aanu nahay dad Muslimiin ah xukunkeenu waa inuu shareecadda noqdaa waana inaan Alle SCW raali galinaa” ayuu yidhi boqor Hassanal Bolkiah

Fulinta xadka Alle sida in ruuxii guur soo maray dhagax lagu dilo qofkii wax xaddana la waafajiyo sida ay shareecadda Islamka qabtu ayuu boqorku sheegay inuu noqon doonaan waxyaabaha ugu horeeya ee la qaban doono.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda cadaaladda dawlada ayaa war uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in dhamaan xadka lagu fulin doono ciddii cadeyn dhameystiran lagu helo.

Boqorka dalka waxaa uu digniin u diray dhalinyarada Muslimiinta ah ee dalkaas oo uu sheegay inay qasab tahay inay ka fogaadaan dhaqamada reer galbeedka laga soo min guuriyay ee Internetka laga helo, dumarkana waxaa la faray inay xijaabtaan.

Sharciyada lasoo saaray waxaa ka mid ah in maalmaha Jimcaha ah dalkaasi ay mamnuuc tahay in la ganacsado xilliga salaada Jimcaha.

Dadka wadankaasi oo Muslimiin u badan ayaa soo dhaweeyay go’aanka boqorka waxaana dalkaasi ka dhacay isku soo baxyo go’aankaas lagu taageerayo.

Dalka Brunei oo ka mid ah wadamada ku yaala koofur bari qaaradda Asia ayaa dadkiisa oo tiradoodu gaarayso 400,000 oo ruux ayaa 70% yihiin Muslimiin, 15% waa dad aan Musliniin aheyn oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Shiinaha.