“Dalka Afar Inan Oo Aynaan Dooran Baa Ka Taliya” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde

(SL.Post) Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaciil Jirde, sheegay in dalka ay ka taliyaan afar qof oo uu sheegay in aan la dooran.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde waxa uu sheegay in Somaliland ay maanta marayso halkii ugu xumayd waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

“Dalka afar inan oo eynaan u dooranin ayaa ka taliya , inagu madaxweyne ayeynu dooraney oo saf u galnay oo aynu cod ugu ridnay oo aniga oo UDUB ah u codeeyey , rag eynaan dooranin oo eynaan waxba weydiin Karin ayaa maanta dalkii ka taliya waxaana aanu dooneynaa in aanay taasi sii soconin. Maanta Somaliland halkii ugu xumayd ayay mareaysaa waligeedna halkaas ay maanta gaadhay may gaadhin. ” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.

Somalilandpost.net