Dalalka Ku Hawlan Raadinta Diyaaradii MH370 Ee Malaysia Oo Laba-laabaya Baadhistooda

MH370Kuala lumpur, (SLP)-  Saddexda dal ee ku hawlan raadinta diyaaradii Malaysia Airlines ee lagu waayay badda, Indian Ocean, ayaa sheegay inay laba-laabi doonaan goobta baadhista haddii aan waxba la helin ilaa bisha soo socoto ee May.

Kooxaha baadhista oo ilaa hadda kala badh sameeyay baadhista oo dhan lixdan kun oo kiilomitir oo laba jibaaran ayaa wax raad ah oo ku saabsan MH370 helin, taasoo la waayay sannad ka hor.

Ka dib kulan ka dhacay Kuala lumpur ayey wasiirro ka socda Shiinaha, Australia iyo Malaysia ku dhawaaqeen in goobta baadhista la kordhin doono ilaa lixdan kun oo kiilomitir oo laba jibaaran, iyadoo la raacayo jidka la tuhunsan yahay ee diyaaradda.

 

Wararka Caalamka

Somalilandpost.net