DAL MUSLIM AH OO HAWADA DALKIISA U DIIDAY INAY DUL MARTO DIYAARAD UU SAARNA RA’ISAL WASAARAHA ISREAL+[WAA DALKEE]

Indonesia (Ilays-News):- Dawladda waddanka Indonesia ayaa ka hadashay

tallaabo ay qaadday Usbuucii   hore kadib markii diyaarad uu saarnaa Ra’isul Wasaaraha Maamulka Yahuuda Benjamin Netanyahu u diiday in ay marto hawada dalkaasi iyada oo sheegtay in ay sababtaasi u samaysay aar-goosi ay muddo badan doonaysay in ay kaga aar goosato dalkaasi Israel.

Image may contain: airplane

 

Diyaaradda uu saarnaa Benjamin Netanyahu oo kasoo duushay dalka Singapore una sii jeeday dalka Australia ayaa loo diiday in ay dul marto hawada dalka Indonesia, waxayna diyaaraddaasi ku qasab ku noqotey in ay ka weecato hawada Indonesia.

 

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Indonesia Armanatha Nasir ayaa sheegay in Dowladda Indonesia ay bixisay amarka loogu diiday in ay hawadooda dul marto diyaarada uu la socday Ra’iisal Wasaaraha Isra’il Natanyahu oo ah shakhsiyad aad looga neceb yahay dunida islaamka.

Armanatha Nasir ayaa tallaabada ay dowladdiisu qaatay ku tilmaantay mid ku tala gal ah oo aargoosi ah, waxaana uu tilmaamay in maamulka Israa’il ay dhankooda hore u diideen Wasiirka Arimaha Dibadda Indonesi in uu tago dhulka Falastiin iyada oo wakhtigaasi dawladda Israel si badheedh ah wasiirka khaarajiga Indonesia u diidday in uu safar hawada ah kaga dago dhulka reer Falastiin ee Yuhuuddu qasabka ku haysato.

Safarka Natenyahu ee Singapore iyo Australia ayaa haddii uu dul mari lahaa Indonesia waxaa ay ku qaadan lahayd sideed saacadood iyo badh, waxaase hadda uu ku qaatay 11 saacadood oo uu diyaarad saarnaa kadib markii Indonesia ay diiday in ay diyaaraddaasi dul marto.

Dalka Indonesia oo ah dalka ay kunool yihiin Muslimiinta ugu badan caalamka ayaa si weyn u taageera madax banaanida dhulka reer Falastiin, waxa ayna Dowladda dalkaasi si weyn uga soo horjeedaa hab dhaqanka Maamulka Yahuuda ee xooga ku haysta dhulka Falastiin.