DAHABSHIIL GROUP oo Tacsi Tiiraanyo leh u diraya Geerida Naxdinta leh ee ku timi Maxuum Xildhibaan Ismaaciil Xaaji Cabdi Ducaale

Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Group (Maxamed Siciid Ducaale), Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Group, Cabdirashid Maxamed Siciid, Dhammaan Maamulka Xarunta Shirkadda Dahabshiil,  Dhammaan Shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil iyo Dhamman Wakiilladda Shirkadda Dahabshiil  waxa ay Tacsi u dirayaan Reer Xaji Cabdi Ducaale, qoyskii eheladii, asxaabtii iyo dhammaan shacabkii uu ka baxay, oo ay ka tacsiyadaynayaan Marxuum Ismaaciil Xaji Cabdi Ducale oo 3 June, 2012, ku geeriyooday Shil Baabuur waddada u dhexeysa Sheekh iyo Berbera, waxaanu ilaahay uga baryaynaa marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodeyna Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN …………… AAMIIN …………………. AAMIIN.