Dahabshiil Group oo Tababar Muhiim ah u Qabatay Qaar ka mid ah Shaqaalaheeda

Hargeysa (SLpost)- Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa tababar muhiim ah oo la xidhiidha aqoonta casriga ah iyo shuruucda isu-socodka lacagaha iyo weliba daryeelka macmiilka siiyey shaqaale ka tirsan qaybta xawaaladaha ee gobollo ka mid ah Somaliland.

Tababarkan oo maanta lagu qabtay  huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen ilaa kontan ka mid ah shaqaalaha ka hawlgalla laamaha xawaaladaha gobollada Saaxil, Maroodi-jeex iyo Awdal, waxa uu ku saabsanaa shuruucda lagu maamulo isu-socodka lacagaha xalaasha ah iyo daryeelka macmiilka iyadoo la isticmaalayo habab cusub oo shirkaddu ku soo kordhisay.

Maareeye ku-xigeenka Shirkadaha Dahabshiil Group Axmed Warsame Ducaale oo furay tababarkaasi ayaa sheegay in tababarkani ka mid yahay kuwo sannadle ah oo shirkaddu u qabato shaqaalaheeda, iyadoo labadii bilood ee tagay tababaro noocan ah loo qabtay shaqaalaha shirkadda ee magaalooyinka Burco iyo Muqdisho, isla markaana dhawaan kuwo kale la siin doono.

Mr. Axmed Warsame Ducaale oo ka warramayey faa’iidada uu tababarkani leeyahay iyo ujeedada ay ka leeyihiin waxa uu yidhi, “Si ka hortagga lacagaha sharcidda ah marba wixii ku soo kordha loola socodsiiyo shaqaalaha ayaa loogu talogalay, Isha Allaahu sannad kastana sidaasi ayuu inoogu socon doonaa. Tababarkan dhawr ujeedo ayaa laga leeyahay oo ay ka mid yihiin; in nidaamka sharciga ah ee loogu talogalay lacagaha maadaama aynu nahay shirkad caalamka ka diiwaangashan in waxeenu si sharci ah u socdaan, qodobka labaad waxa weeye in la raaligeliyo macmiilka oo si wanaagsan loogu shaqeeyo, tababarkan markaynu qaadanana Isha Allaahu waxaynu rajaynaynaa in aan qof dambe oo macmiil ah wax cabasho ah muujin oo qof walba inta uu inala joogo wixii macluumaad ah ee aad uga baahan tahay ka dhammaysato. Qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha tababarka qaadanayana dhukumenti ayaa laga saxeexi doonaa oo waa la kaydin doonaa, waxaanay noqon doontaa wax lagu xisaabtamo.”

Maareeye-ku-xigeenku waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha tababarka qaatay inay gaadhsiiyaan casharrada iyo shuruucda la siiyey kuwa kale ee la shaqeeya oo aad iyaga uga badan, laakiin aan fursad u helin inay tababarka ka qaybgalaan, si ay u midho-dhasho ujeedada laga leeyahay.

“Waxa loo baahan in tababarkan looga faa’iidaysto sida loogu talogalay oo qof kasta oo qaatay ay goordhaw ka muuqdo shaqiisa waxtarkii casharradu,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Axmed Warsame Ducaale.

Maamulaha Laamaha Hargeysa Axmed Maxamed Yoonis oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa ku tilmaamay tababarkan mid muhiimad wayn u leh shaqada ay hayaan shaqaalaha Dahabshiil, waxaannu yidhi, “Shaqo xaasaasi ah ayeynu haynaa oo macmiil ayeynu u shaqaynaa, hantidii ummaddana waynu haynaa, markaa waxa la rabaa markaynu tababarkan qaadano inuu ina afnaco oo shaqadeena wax ka beddelo, adeegyada aynu u hayno macamiisheenana uu sii labanlaabi doono.”

Madaxa Waaxda ka Hortagga lacagaha aan sifaha sharciga ku socon ee shirkadda Dahabshiil Cali Maxamed Goodir oo isagu tababarka bixinayey ayaa sheegay in qaabkii hore ee loo bixin jiray tababarrada wax laga beddelay oo hadda casharradii sida guud loo siiyo la-tababarayaasha loo raacinayo inay si toos ahna gacanta uga qabtaan si loo eego sida ay u fahmeen.

Waxa kale oo uu sharraxay adeegyo cusub oo lagu tababarayo shaqaalaha inay ku shaqeeyaan, “Waxaad ogaydeen in marka macmiilku lacag qaadanayo ama uu dirayo aqoonsigiisa laga sawirro, haddana haddii uu mar kale uu adeegii oo kale kuugu yimaado aqoonsigiisa la waydiiyo, laakiin haddii aynu casharradan maanta la idin barayo ku shaqaysaan mar dambe macmiilka ku odhanmaysid aqoonsigaagii keen, waayo aqoonsigiisii wuxuu kuugu jirayaa si toos ah (on line) oo marka magacii hore ee lacagta uu kaaga diray ama telefoonkii uu qortay aad geliso aqoonsigiisu wuu soo boodayaa,” ayuu yidhi Cali Maxamed Good.

Gebogabadii tababarkaasi waxa shahaadooyin la guddoonsiiyey guud ahaan shaqaalaha ka qaybgalay tababarka, kuwaas oo lagula dardaarmay inay hirgeliyaan duruusta la baray.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net