Dahabshiil Group oo shaaciyey inay u hoggaansameen Go’aankii Xukuumadda Somaliland iyo Adeegyo Cusub oo ay soo kordhiyeen

Hargeysa (SLpost)- Shirkadaha DAHABSHIIL GROUP, ayaa shaaca ka qaadday inay u hoggaansameen go’aankii xukuumadda Somaliland ee kor u qaadista isticmaalka lacagta shilinka Somaliland, kaas shirkadaha isgaadhsiinta ka mabnuucayay in lacag ka yar 100 Dollar laysugu xawilo adeegga lacag-isu-dirista ee Telefoonnada, iyadoo taas beddelkeeda la dhiirrigeliyey isticmaalka Shilinka Somaliland.

Masuuliyiinta ugu sarreysa Shirkadaha Dahabshiil Group oo uu ugu horreeyey Maamulaha Guud ee Shirkadaha Cabdirashiid Maxamed Siciid oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa shaaciyey adeegyo ay soo kordhiyeen iyo nidaamkii ay u mareen inay u hoggaansamaan go’aanka xukuumadda

Muuqaalka Hoose ka Daawo warkan oo dhammeystiran