Dahabshiil Group oo Kaalin Miisaan leh ka Qaadatay Hirgelinta iyo Baahinta Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland

DSC06662Hargeysa (SLpost)- Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa kaalin miisaan leh oo loo bogay ka qaadatay hirgelinta iyo baahinta tartanka ciyaaraha gobollada dalka oo si rasmi ah Madaxweynaha Somaliland maanta uga furay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, halkaas oo ciyaartii u horreysay ay ku kulmeen xulalka kubadda cagta ee Gobollada Maroodi-jeex iyo Saraar.

Shirkadda Dahabshiil Group oo masuuliyad wayn iska saartay hirgelinta tartankan, waxa ay ku deeqday dirayska xulalka ciyaartoyga 13-ka gobol ee dalku ka kooban yahay iyo weliba baabuur nooca raaxada ah oo shirkaddu ugu talogalay in abaalmarin loo siiyo ciyaartoyga ku guulaysta gool dhalinta muddada tartanku socdo, kaas oo noociisu yahay Crown lambarkiisuna yahay SL 49597.

Sidoo kale, shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL oo ka tirsan Dahabshiil Group ayaa kaalinta ugu ballaadhan ka qaadaynaysa in tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland si toos ah loogala socdo daafaha caalamka, waxaannay shan telefishan u suurtogelisay baahinta tooska ah ee tartanka – Telefishanka Qaranka Somaliland (SLNTV), Horn Cable Tv, Somaliland Space Channel, Somali Set iyo Somali Channel iyo Milgo Digita – oo si toos ah u baahiyey ciyaartii furitaanka tartanka oo dhexmartay shalay xulalka Maroodi-jeex iyo Saraar.

Madaxa Hawlgallada shirkadda SOMTEL Mr. Axmed Cabdillaahi Caynaanshe oo ka hadlay doorka shirkaddoodu ku leedahay tartanka, ayaa sheegay in baahinta tooska ah ee ciyaaraha uu ku baxayo kharash badani, waxaannu yidhi, “Ciyaaraha tartanka oo caalamka dhan laga daawanayo waxa u gudbinaya shirkadda SOMTEL oo u sahlaysa telefishannada sida tooska ah u baahinaya, iyadoo tani tahay markii labaad ee ay si toos ah u tebiso ciyaaraha gobollada, waxaanna baahintan ku baxaysa lacag ka badan $40,000 (afartan kun oo doollar).

Waxa kale oo shirkadda Dahabshiil Group diyaar u tahay xafladaha furitaanka iyo xidhitaanka inay dhabarka ku qaado.”

Waxa kale oo uu tilmaamay in Dahabshiil Group mar walba u heellan tahay danaha dadweynaha iyo weliba dhiirigelinta dhallinyarada, “Shirkadda Dahabshiil Group kaalin wayn oo muuqata ayey kaga jirtaa dhiirigelinta iyo is dhexgalka dhallinyarada iyo weliba la-dagaallanka tahriibta, waana shirkad wadani ah oo runtii mar walba ku dadaasha inay ka shaqayso danaha bulshada ay u adeegto, iyadoo xafiisyadeeda iyo adeegyadeeda laga heli karo dhamman dacallada dunida,” ayuu yidhi Mr. Caynaanshe.

Dhinaca kale, waxa ay shirkadda Dahabshiil Group gacan ka gaysatay qurxinta iyo khashaafado waawayn oo ay ku xidhay garoonka kubadda Kolayga ee Tima-cadde oo ay habeenkii ku ciyaari doonaan xulalka kubadda gacanta ee toddoba gobol oo ka qaybgalaya tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland.

Shirkadda Dahabshiil Group waxay sidoo kale hore dib-u-dhis ballaadhan iyo casriyey ugu samaysay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ee sannadkan ciyaaruhu ka dhacayaan, waxaannay shirkadda SOMTEL sannadkii labaad ee xidhiidh ah ay si toos ah u baahinaysaa tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo markii ugu horreysay ay ku guulaysatay hirgelintiisa tartankii kal hore ku qabsoomay magaalada Burco ee xurunta Gobolka Togdheer.

SOMALILANDPOST.NET