Dagaalka Siiriya oo markale la isu adeegsaday sunta Gaaska

Dimishiq (SLPOST) Ciidamada Dowlada Bashaar Al Assad ayaa sii xoojiyey duqeymaha ay ka wadaan magaalooyinka ku yaal waqooyiga iyo bartamaha dalkaasi Siiriya, waxaana soo baxaya warar sheegaya in suntan halista ah la isu adeegsaday.

gantaalSiiriyaduqeymo140414

Duqeynta diyaaradaha ayaa sidoo kale ka socota duleedka magaalada caasimada ah ee Dimishiq oo ay markale kusoo dhawaadeen xoogaga mucaaridka.

Jimcihii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in suntan iyo gaaska wax dila loo adeegsaday deegaanka Kafr Zita oo ka tirsan gobalka Hama oo 200km u jirta magaalada Dimishiq.

Xoogaga mucaaridka oo weerarkan suntan ku eedeeyey dowlada ayaa sheegay in dad badan oo rayid ah waxyeelo kasoo gaartay, halka dowlada Siiriya ku eedaysay weerarkaasi inay ka danbeeyeen kooxaha Al Nusra.