Dagaal Xoogle Oo Maanta Ka Qarxay Taleex Iyo Dad Barakacay

Taleex (SLpost) – Dagaal muddo labo saac ku dhow socdey ayaa saaka ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.

Dagaal teleex

Dagaalka oo ahaa mid culus, ayaa la sheegay inuu dhex maray labo beelood oo deegaankaas wada dega, kuwaasi oo kala tirsanayey Aanooyin hore.

Xog rasmi ah ilaa hadda lagama hayo khasaaraha uu dagaalkaasi geystey, haseyeeshee wararkii ugu dambeeyey ee degmada Taleex naga soo gaadhey ayaa sheegaya in dagaalka ay labo qof ku dhaawacmeen.

Inkasta oo dagaalkaasi joogsaday, haddana waxa kacsan guud ahaan deegaanada Taleex ka mid tahay, waxaana dadka qaarkood ay bilaabeen inay baro-kacaan isla-markaana halkaasi isaga cararaan.

Dhanka kale, Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland, ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

Somalilandpost/Desk

Hargeysa/Somaliland