Dagaal xooggan oo ka dhex-qarxay Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ciidamo Weerar kula wareegay Xarunta Golaha Shacabka

 

Muqdisho (SLpost)- Dagaal xooggan oo isugu jira mid siyaasadeed iyo mid gacan-ka-hadal ah ayaa u dhexeeya Xukuumadda iyo Barlamaanka Soomaaliya, dagaalkaas oo gaadhay in masuulyiintu isku eedeeyaan xurguf iyo weerarro hubaysan oo loola badheedhay Golaha shacabka Soomaaliyeed.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta HOL, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo fiidkii caawa shir jaar’id qabtay ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaata Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ay xoog kula wareegeen xaruntii Golaha Shacabka.

Prof JawhariXildhibaanno ka tirsan Golaha Baaralamaanka Soomaaliya, ayaa todobaadkii hore soo bandhigay mooshin xilka lagaga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawhari, iyadoo go’aanka arrintan lala xidhiidhiyey inay ka dambayso xukuumadda Raysal wasaare Kheyre, waxaanay tallaabadani soo bandhigtay khilaaf xooggan oo ka dhex-abuurmay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Prof Jawaari waxa uu sheegay in arrintan aanay aheyn oo kaliya in xilka laga qaado laakiin sida uu hadalka u dhigay la doonayo in lagu fool xumeeyo Golaha Shacabka oo ah sida uu hadalka u dhigay saldhiga dowladnimada.

‘’Waxaan arkeynaa in laantii fulintu weerar ku soo qaaday Golaha Shacabka oo Mooshinkana gadaal ka riixeysa, waxaana la doonayaa in lagu qiimo tiro heybadda Baarlamaanka oo ah Golaha Sharci-dejinta, ’’ sidaas ayuu yidhi guddoomiye Jawhari oo la hadlayey saxaafadda fiidnimadii caawa.

Mar uu ka hadlayay asalka xasaaradda taagan ayuu sheegay in ay jiraan arrimo laga dalbaday in uu saxeexo oo dhibaato ku ahaa amaanka Golaha Shacabka, balse uu ka biyo-diiday, taasoo keentey sida uu sheegay in mooshin laga keeno.

‘’Waxaa jira arrimo leyga dalbaday in aan saxeexo oo aan diiday oo ka hor imaanayay ammaanada naloo dhiibtay, waana tan keentey in Mooshin la soo abaabulo,’’sidaas ayuu yidhi Prof Jawaari oo aan sheegin nooca dalabka loo soo bandhigay ee saxeexiisa laga doonayey.

Ugu danbeyntii guddoomiyaha ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara ciidammada la duldhigey Golaha Shacabka, isaga oo sheegay in wixii dhibaato ah ee halkaa ka dhaca uu masuuliyaddeeda qaadayo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

 

Somalilandpost.net 

editor@somalilandpost.net