Dagaal sababay khasaare dhimasho iyo Dhaawac isugu jira oo Laba Beelood ku dhexmaray Degaan hoos yimaadda Degmada Oog

Somalilandpost NewsBurco (SLpost)- Afar qof ayaa ku dhintay, halka todoba kalena dhaawacyo kala duwani soo gaadheen, ka dib markii maanta iska hor imaad hubaysani ku dhex maray laba beelood oo wada dega deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag.

Wararka ka soo baxaya dagaalkaasi ayaa sheegaya in 7 qof ee ku dhaawacmay ay afar ka mid ah dhaawacoodu culus yahay isla markaana caawa la geeyay cisbitaalka guud ee magaaladda Caynabo oo isla caawaba looga sii gudbiyay cisbitaalka Burco, halka sadexna kalena la soo weriyay in dhaawacoodu sahlan yahay oo aan wali laga soo qaadin jiidii iska hor imaadku ka dhacay.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in shaqaaqadani ay salka ku hayso muran Ceel biyood iyo dhul oo u dhaxeeya labadaasi ardaa oo ah wada degan deegaankaasi.

Ciidammadda qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay bariga dalka ayaa la sheegay inay gaadheen jiidii dagaalku ka dhacay isla markaana la kala dhex dhigay labadii beelood ee shaqaaqadu dhex martay.

Wararka ka imanaya deegaanka ayaa shabakadda Somaliland.Org u xaqiijiyay in gurmad kala duwan oo iskugu jira xukuumadda Somaliland, Madax-dhaqameed iyo waxgarad kale ay caawa illaa galabta u baxeen deegaanka dagaalku ka dhacay si ay u joojiyaan colaada halkaasi ka aloosan.

Somalilandpost.net

Burco,Somaliland