Dagaal Muslimiin iyo Masiixiyiin ku Dhexmaray Caasimadda Jamhuuriyadda Badhtamaha Afrika

Ugu yaraan 10-qof aya lagu dilay 38-qof oo kalena waa lagu dhaawacay kaddib dagaallo oo Sabtidii shalay ku Dhex-maray Dalka Bartamaha Afrika dhalliyaro Muslimiin iyo Masiixiyiin ah.

Iska-horimaadkaan oo ka dhacay bartamaha Magaalada Bangui ee Caasimadda Dalkaas ayaa ka dhex-qarxay dhallinyaro taksiilayaal iyo mootooleey isugu jiray, iyadoo dagaalku uu ku fiday deegaanno ka baxsan magaalada oo ay inta badan ku nool yihiin Muslimiinta dalkaas.

Hay’adaha Caafimaadka ee Jamhuuriyada Bartamaha Afrika ayaa sheegay in dhaawacyada iyo dhimashadu ay dhammaantood ahaayeen kuwo ka dhashay rasaastii ay dhinacyadu u adeegsanayeen dagaalka.

Ciidamada Qaramada Midoobay iyo kuwa Faransiiska ee dalkaas ku sugan ayaa kala dhex-galay dhinacyadan hardamayay, iyadoo xaaladdu ay maanta tahay mid deggen, waxaana colaaddan ay daba-socotay colaado dalkaas ka jiray labadii sano ee lasoo dhaafay oo u dhexeeyay Muslimiinta iyo Masiixiyiinta.

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa lugaha dhiig kula jirtay tan iyo markii laga tuuray xukunka Madaxweynihii hore ee dalkaas sannadkii 2013-kii, markaas oo ay billowdeen colaadaha u dhexeeya Kooxda Islaamiyiinta ah ee Seleka iyo kooxda Masiixiyiinta ah ee Anti-balaka.

Shacab fara badan ayaa ka cararay goobihii ay shalay ka dhaceen colaadaha u dhexeeyay muslimiinta iyo masiixiyiinta, iyadoo tan iyo xalay gudaha caasimada dalkaas laga maqlayay rasaas dhacaysa.

Xukuumadda ku meelgaadhka ah ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa cambaareysay colaadaha soo laalaabtay ee u Dhexeeyay Bulshada kala Aamisan Diimaha kala duwan ee Dalkaas ku nool, iyagoo xukuumaddu ay tiri.

“Colaadahan waa kuwo macno-darro ah oo sannado badan ka socday dalkaan. Waxaana colaadahani ay qalqal-geliyeen deggenaashaha iyo amniga dalka oo dhan, gaar ahaan kan caasimadda.”

Ugu dambeyn, Iska-horimaadyo u dhexeeya Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ku nool dalkaas ayaa soo laalaabanayay labadii sano ee lasoo dhaafay; iyadoo colaadan ay ku dhinteen boqolaal qof.