Dagaal Khasaare Sababay oo Deegaanka Xarshimeed ku Dhexmaray Dad Xoolo-dhaqato ah iyo Ciidamada Kililka Shanaad

Muuqaalka Degmada Xarshin

Hargeysa (SLpost)- Afar qof ayaa ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay dagaal shalay ka dhacay deegaan dhinaca hawdka ka xiga degmadda Xarshin ee Kililka shanaad, kaas oo u dhexeey dad reer miyi ah iyo ciidamadda dhawaan la sameeyay ee Liyuu Booliska. Wararka naga soo gaadhaya deegaankaasi  dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in afar qof ay ku dhaawacmeen dagalkaasi, halka ciidanka Liyuu booliskana la wariyay in khasaare nafeed ka soo gaadhay, wallow aan la xaqiijin Karin tirada rasmiga ah ee dhaawac ama dhimasho ee ciidamadda.

Muuqaalka Degmada Xarshin

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhashay sidda wararku sheegayaan muran baryihii u dambeeyey ka jira deegaankaasi, kaas oo wararka qaar sheegayaan inuu u dhexeeyay dadka deegaanka wadda dega oo isku qabtay lahaanshaha dhulka. Dadkan reer miyiga ah ayaa la sheegay inay ka diideen amar la doonayay in lagu raro, islamarkaana ay isku dheceen ciidanka. Hase ahaatee cid arrintaas xaqiijisay oo ka mid ah maamulka Soonka Soomaalida Itoobiya. Balse, Mid ka mid ah eheladda dadkan shacabka ah ee dagaalka la galay ciidamadda Liyuu booliska ayaa sheegay in baryahan dambe uu muran xaga dhulka ahi jiray, balse ay wakhtiga kala guur ah dadka reer miyiga ahi u arkeen in la doonayo in looga faa’iidaysto, islamarkaana xoog lagu raro, taasna ay diideen. ayna ka dhashay dagaalkan dhiigu ku daatay.

Dhaan ka fulay Baraagaha Degmada Xarshin

Dagaalkaasi ayaa la sheegayaa in uu joogsaday xalay, lamina oga saameynta uu yeelan doono. Maaha, markii ugu horeysay ee dadka reer miyiga ah iyo ciidamaddan cusubi isku dhacaan waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo arrintaasi dhacday.

Xigasho:  Saxafi