Dagaal khasaare dhimasho iyo Dhaawac Gaystay oo ka dhacay Gaalkacayo iyo wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (SLpost) – Dagaal xooggan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa manta gelinkii hore ka qarxay magaalada Galkacayo, iyada oo dagaalkani dhexmaray maleeshiyo hubaysan iyo ciidamada maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Gaalkacayo ayaa xaqiijiyay in weerarka ay soo qaadeen ciidamada Puntland iyaga oo weerary meherad lagu duubo canjaladaha Diiniga ah (Islamic Studio),  waxaana la sheegay in ciidamadu baadi goobayeen mid ka mid ah shaqaalaha meheraddaas oo tuhun ku jiray.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in goobta la weeraray uu ku sugnaa nin ciidamada amniga ay ku eedeeyeen in uu qayb ka ahaa falalkii amni xumo ee degmadaasi ka dhacay bilihii ugu danbeeyay.

“Dhimashada waxaa ay ahayd qaybtii hore ee dagaalka seddex ruux, balse dhaawaca tiro ahaan ma cadayn karo,” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka goobtaas ka ag dhawaa.

Waxa dagaalkaas la isugu adeegsaday hub aad u cul-culus, waxaana iminka Gaalkacyo ka dhacaysa is-rasaasayn labada dhinac u dhaxaysa, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay qaar kamid ah la gaarsiiyay cisbitalka wayn ee degmadaasi.

Dagaalkan maanta halkaa ka bilowday ayaa imanaya iyadaa waqooyiga Gaalkacyo ay ka socdeen maalmihii la soo dhaafay shirar looga arinsanayo amniga gobolka Mudug oo ay ka qayb-galayeen wasiiro maamulka Puntland.

Somalilandpost.net

Nuuriye10@yahoo.com

Muqdish, Soomaaliya