DAGAAL IYO DUUFSI DADBAN‏

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu ahayd  JSL/M/MG/241-3855/022016 soona baxday 22 February 2016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.Xubnahaa waxaa raqamyada ugu dambeeya ka muuqday Magacayada Muddane Cabdi Yusuf Boobe iyo Faysal Cali Waraabe oo kasoo kala jeeda labada xisbi Mucaarid WADANI IYO UCID,  oo haya Mansabyada Xoghaya Warfaafinta Wadani iyo Gudoomiyaha UCID. Iyaga oo warbaahinta ka sheegay intaa kadib  inay ka aqbaleen madaxweynaha magacaabistaa.

Aniga aragtidayda , Faysal ka hadlimaayo sababta uu u aqbalay oo waa mid aan iftiimin u baahnayn, balse Mujaahid boobe oo xilweyn u haya Xisbi mucaarid ah oo wayn oo tartan adagi ka dhexeeyo Xisbi xaakimka dalka lana filaayo doorashada inagu soo foolka leh inay yihiin labada xisbi ee fooda isdari doona inuu kamid noqdo guddi… . laba arimood ayay Asxaabtu shacabka ka iibin doonaan wakhtiga kaambaynka tartanka madaxtooyada. Xisbi xaakimku waxa uu diyaarsan doonaa wixii uu dalka iyo dadka u qabtay mudadii uu xilka qaran hayey, oo ay ku jiri karto horumarka xukuumadu ka samaysay aqoonsi raadiska mudadaa. Halka Xisbiyada mucaaridku iyaguna ay la diyaar yihiin inay tilmaamaan masuuliyadaha ay xukuumadu dayacday iyo raadadka foosha xun ee dalka iyo dadkaba ay dhaxalsiisay mudadaa ay xilka haysay. Iyo hawlihii aqoonsi raadiska oo saqiiray.

Iyada oo arinku sidaa yahay, marka masuuliyiintii hormoodka ka ahaa Xisbiyada mucaaridka loo igmaddo inay daboolaan oo ay ka shaqeeyaan  masuulid la dayacay ,sida qadiyada Aqoonsi raadinta !!! Maxay Mucaaridku ka iibin doonaan Shacabka Bari marka uu kaambaynku yimaad? Markaa meeshaa lafbaa ku jirta..! marka madaxweynuhu leeyahay Guddi qaran ayaan magacaabayaa waxaan u arkaa  inay haboon tahay in uu kasoo xusho Golayaasha Qaranka ( xukuumada iyo xeerdajinta) laakiin Axsaab qaran oo tartan ka dhexeeyo ( oo waxbaan qabtay iyo waxbaad xumaysay ay dhextaalo) … waxaan u arkaa  KHAYAAMO madaxweynuhu la yimid ….iyo xidhiid qol madow ……../

Gabagabdii, waxan odhan karaa Mujaahid boobe manta isma casilin ee maalintaa guddiga lagu darsaday ee uu aqbalay ayuu iscasilay. Waana nasiib daro inuu ka aqbalo isaga oo aynu ogayn shallay dacartii la dhadhan siiyey ………..NINKII malabka kadaba siiyeyna inuu ku wacad furo…………. Oo illaa xafiisyadii xisbiga uu ka sheekeeyo.  Waxaanse odhan lahaa hadda wixii ka dambeeya dagaalkaa iyo duufsigaa dadban ee madaxtooyada haloo dhug lahaado.

 

Cabdirasaaq Askar

Hargeisa,,Somaliland