Dagaal Biyaha ah oo Jabuuti bilawday, aamusnaanta Somaliland iyo dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka jira Ceel-gaal

Hargeysa, (SLpost)- Tan iyo xilligii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) safarka ku tagay dalka Ingiriiska bishii hore oo uu soo noqodkiina soo maray dalka Jabuuti oo uu kulammo la yeeshay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, waxa isa soo taraye tallaabooyin uu maamulka Jabuuti ku muujinayo inay is-khilaafsan yihiin Somaliland.

Wararka ka imanaya Galbeedka Somaliland ayaa sheegaya in maalmahanba dhaqdhaqaaqyo kooxo hubaysan oo la sheegay in lagu soo tabobbaray dalka Jabuuti ay soo galeen gudaha waddanka Somaliland, balse la sheegay inay dib u celiyeen Ciidammada Qaranka Somaliland ee ku sugan deegaannada gobolka Selal. Inkasta oo aanu jirin warar rasmi ah oo ay labada dhinac soo saareen, haddana ila-wareedyo uu soo xigtay Wargeyska Ogaal waxay tibaaxayaan in Xukuumadda Jabuuti danaynayso Ceelal-biyood laga waraabiyo Jabuuti oo la sheegay inay biyo-yaraani soo foodsaartay, kuwaasoo ku yaalla gudaha Somaliland, balse waxa la sheegay in qorshahaas ay ganafka ku dhufatay Xukuumadda Somaliland.

Wararku waxay intaa ku darayaan in baadhitaanno Biyo lagu raadinayey oo laga waday dalka Jabuuti lagu guul-darraystay in Biyo lagu helo, taas beddelkeedana ay Xukuumadda Jabuuti u aragto Biyaha ugu dhawi inay yihiin Ceelal-biyood laga qodo gudaha Somaliland. Hase-yeeshee, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin, waxa la sheegay in Madaxweynaha Jabuuti Madaxweynaha Somaliland ka dalbaday inay wada galaan heshiis suuragal ka dhigaya in Biyaha Ceelasha xadka Somaliland ku yaalla, gaar ahaan Ceelka lagu magacaabo Ceel-gaal ee gobolka Selal ee Somaliland Jabuuti laga waraabiyo, balse waxa la sheegay in Madaxweynaha Somaliland diiday inuu saxeexo heshiiskaas.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa la sheegay marka Madaxweyne Geelle ka codsaday hirgelinta iyo saxeexa heshiiska Jabuuti Biyaha loogaga jiidayo Ceel-gaal, inuu shuruud uga dhigay aqoonsiga Somaliland. “Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku yidhi Madaxweynaha Jabuuti Xeerka Caalamiga ah ee heshiisyada Biyuhu ma oggola in dal la aqoonsan yahay dal aan la aqoonsanayn heshiis Biyood la galo, sidaa daraaddeed, hadday Jabuuti doonayso in Somaliland biyo looga soo jiido waxa ka horreeya inaad na aqoonsataan ee horta na ictiraafa.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ila-wareedyada Wargeyska Ogaal soo xigtay oo xog-ogaal u ah arrimahaas.

Waxaanu warku intaa ku daray in dawladda Jabuuti oo doonaysay marka hore inay heshiiskaa ka sexeexato Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland oo ka mid ahaa Wefti Jabuuti hore hore u tagay uu diiday sexeexa heshiiskaas, isla markaana ku xidhay imaatinka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo Wefti uu hoggaaminayaa maalmahaa ku soo beegnaayeen Jabuuti oo marti-qaad u samaysay. Balse, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Jabuuti filaysay inuu la geli doono heshiiskaas, ayaa ku hungawday hirgelinta qorshahaas.

Intaanay dawladda Jabuuti Somaliland u soo bandhigin qorshaha ay ku doonayso Biyaha ka hor waxay samaysay inay maalgelin ku samayso horraantii sannadkan Ceelka ay dalbatay in Biyaha looga jiido ee Ceel-gaal, iyada oo wakhtigaa muujisay inay dhibaato dhinaca Biyaha ka haysatay dadka gobolka Selal ku dhaqan iyo Ceelka oo gaboobay, isla markaana Mishiinnadii iyo qalabkii kale ee Biyaha ka soo saarayey xumaadeen awgii ay u caawinayso dadweynaha ku dhaqan Selal, maaddaama oo dhiig iyo dhaqanba ay wadaagaan labada dal, xidhiidh fiican oo walaaltinnimana ka dhexeeyo. Hase-yeeshee, qorshahan ay soo bandhigtay Jabuuti ayaa muujinaya inay marka horeba damacsanayd inay iyada lafteedu ka faa’iidaysato. Sidaa daraaddeed, waxay wararka qaarkood sheegayaan inay Jabuuti u qudh-qudhsami wayday go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka qaatay arrintaas.

Waxaanay wararku tibaaxeen in maamulka Jabuuti bilaabay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan inuu ka sameeyo deegaannada Xuduudka labada dal wadaagaan iyo goobta Biyo-soosaarka Ceel-gaal. Waxaana la sheegay in Ciidan-beeleedyo hubaysan oo lagu soo tabobbaray gudaha dalka Jabuuti inay yimaaddeen deegaanka uu ku yaallo Ceel-gaal iyo goobo kale oo dhinaca Xeebta ah, si ay tallaabooyin dhinaca ammaanka dhaawaci kara oo ay Jabuuti kaga faa’iidaysan karto Biyaha Somaliland uga sameeyaan gudaha Somaliland. Haddaba, si aannu arrimahaa wax uga ogaanno waxaannu isku daynay inaannu la xidhiidhno Wasiirka Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, hase ahaatee, noomay suuragelin inaannu helno, ka dib markii uu taleefankiisa gacanta oo aannu xalay dhawr jeer ka wacnay naga qaban-waayey.

Inkasta oo aan si rasmiya loo ogeyn waxyaabaha uu ka dhashay khilaafka Jabuuti iyo Somaliland ee maamulka Jabuuti muujinayo dhawaanahan, haddana waxay tibaaxayaan ila-wareedyada qaarkood in isa seegga labada maamul ka bilaabmay guul-darrada heshiiskaas Biyaha iyo heshiisyo kale oo Madaxweynaha Somaliland la sheegay inuu diiday meel-marintooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, looga fadhiyaa inay caddeyso halka sartu ka qudhunsan tahay iyo waxyaabaha uu ka dhashay khilaafka maamulka Jabuuti muujiyey oo aanay illaa hadda Somaliland ka hadal iyo sidoo kale, dhaq-dhaqaaqyada la sheegay inay ku hubaynayso Ciidan-beeleedyo qas ka bilaaba Galbeedka dalka Somaliland.

Xigasho: Ogaal