Dagaal Beeleed ka Dhacay Deegaanka Qorriilay ee Gobolka Sool.

 

Sool(SLpost)- Wararka ka imanaya deegaanka Qorrilley ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in ay halkaasi ku dhinteen in ka badan 15 ruux, ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo badan, kadib markii uu deegaankaasi ka qarxay dagaal beeleed saaka arroortii.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay,ayaa u badan dhinacyadii dirirtu dhex martay ee ka soo kala jeeda laba beelood oo deegaanlkaa wada dega.

Waxa kale oo la soo sheegayaa in dhaawacu kor u sii dhaafayo sagaal ruux, waxaana la gubay gawaadhi dhawr ah kuwa kalena waa la kaxaystay sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Burtinle.

Dadka dagaallamaya oo xoola dhaqato reer miyi ah, ayay colaaddoodu in muddo ah soo jiitameysay, kuwaas oo dagaalkooda salka ku haya arrimo ku saleysan dhulal iyo daaqa xoolaha.

Is-gaarsiinta deegaanka Qorrilley oo aad u xun darteed, ayey warirayaashu soo sheegayaan in ay adag tahay in la helo faahfaahin dhameystiran oo ku aaddan dagaalka saaka ka qarxay halkaasi. Laakiin warar hadda na soo gaadhay ayaa sheegaya in laga cabsi qabo ciidamo hubaysan oo ka soo baxay magaalada Laascaanood kuna soo jeeda halka ay labada ciidan beeleed isku hor fadhiyaan.

Labadan beelood ayaanay ahayn markii ugu horaysay ee dagaaladu dhex maraan laakiin dagaalkan ayaa soo socday mudo  ka badan 10 sano, heshiisyo dhawr ahaa oo la dhex dhigay ayaa iyaguna fashilmay.