Dadweynaha Giriiga Oo Cod Ku Diiday Soojeedintii Reer Yurub

Athens, (SLpost)- Codbixiyeyaasha dalka Giriiga ayaa si weyn u diiday qorshaha ay usoo bandhigeen kuwa deymaha ku leh dalkaasi.Giriig

In ka badan boqolkiiba 61 dadkii codkooda ka dhiibtay aftidii shalay, ayaa u codeeyay MAYA.

Boqolaal taageerayaasha ololaha MAYA ah ayaa bilaabay inay ku hor mashaxaradaan baarlamaanka caasimadda Athens.

Wasiirka maaliyadda Giriiga, Yanis Varoufakis, oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in natiijadu ay dalkiisa u sahleyso dib u bilaabida wada-halada uu la leeyahay kuwa deymaha ku leh.

Ra’iisul wasaaraha Giriiga, Alexis Tsipras, ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay sii wadida wada-xaajoodka ka dhexeeya kuwa deymaha ku leh dalkiisa, isagoo carabka ku adkeeyay in natiijadu aanay ahayn mid ka dhan ah Yurub.

Guddoomiyaha baarlamaanka Yurub, Martin Schulz, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Giriigu uu xaalad xun madaxa la galay.

Durba waxa la dareemay saameynta natiijada aftida, waxaana lacagta Euro ay qiimo ahaan ka hoos martay doolar-ka iyo Yen-ka Japan. Bangiyada Giriigana waxa lagu soo warramayaa in maalmo gudahood inay lacag la’aan soo istaagi doonaan.