Dadkaygaw wax maqla!! – By Abdiasis Awil Adar

Abdiasis Awil
Abdiasis Awil

Waxaan dhamaan halkan ka salaamayaa ummadda soomaaliyeed gaar ahaan dadka Somaliland ku dhaqan. Salaan kadib aduunku taariikh iyo maalmo kala duwn ayuu soomaray, madax kala duwan iyo dawlado kala awood badan ayaa soo maamulay.

Bani’aadanku wixii dhaafay wuxuu u yaqaan TAARIIKH.

Taariikhda faaiidada uugu way nee ay leedahay waxaa loo Qaybiyaa saddex

1-      Inaad wixii kusoo dhaafay aad wax ku qaadato

2-      Inaad waxa kula gudboon aad ku dabaqdo

Adiga oo ka faaiidaysanaaya khibradahaagii hore

3- Inaad saadaalin karto waxa mustaqbalka dhaw kugu

Imaan kara adigoo ilaahay la kaashanaaya

Waxaan uuga dan leeyahay ummadda soomaalida waxay leedahay

Taariikh wax qoran iyo inta badan oo cilmi dhegood ah, hase ahaatee waynu ka dheregsanahay xaaladaha kala duwan ee aynu soomarnay.

Hadaba yaanay ila sii fogaan haddaan u daadego ujeedadeyda uugu weyn ee isoo kicisay oo ah.

Gobolka geeska afrika ee ay soomaaliland ku taal waxaa ka jira dhibaato badan oo xasilooni darro ah hase ahaatee ayadoo waxaasoo dhami jiraan ayay soomaaliland nabad ku caano maashay. Lakiin waxaa jira dad badan oon jeclayn xasiloonidaa qofka aan ummad islaam ah hagardaamada ka deynna wuxuu baal marayaa sunnihii Nabiga NNKH. Qofkaas ayaana masuul ka noqonaaya wixii dhiig muslim halkaa ku daata isagaana aakhiro loo soo taagayaa. Soomaaliland guluf ayaa ku socda walaalayaal dhinacyada uu ka imaanayaana way tiro badan tahay sida

1-      Qabiil oo ah mid ay soomaali oo dhan la wadaagto

2-      Faro galin shisheeye (mid deris ah iyo fog ba)

3-      Siyaasada gudaha oon meel xasaasi ah maraysa

4-      Dhaqaalaha oo aad jilicsan

5-      Deegaanka dabiiciga ah oo sii xumaanaya

6-      Aqoonsi la’aan

7-      Balan qaad been ah(gaar ahaan dawladaha shisheeye)

8-      Bulshada oo mashaqaysato ah

9-      Heerka aqoonta oo liita

10-  Khayraadka wadanka oon maalgelin helin (tii dadka u dhashay iyo mid kale toona)

11-  Tahriib

12-  Dagaalo(gaar ahaan jiidaha bari kuunfur iyo kuunfur galbeed)

13-  Maamul goboleedo soo horaan yeeshay

14-  Iyo dhibaatooyin aad iyo aad u badan oon lasoo koobi Karin

Hadaba nasiib wanaag ayadoo waxaas oo dhibaato ahi jiraan ayaa waxaynu noqonnay umad la odhan karo way isku filaadeen dedaal awgii waayo dedaal ayuunbaa ka bixi karo xaaladahaa madaw eek or ku xusan.

Gebegebadii waxaan halkan baaq uuga soo jeedi nayaa dhaammaan dadkan soo socda

1- Ummada Soomaaliyeed ee soomaaliland deriska la ah ee dagaalka wada:

Walaalayaal waxaynu nahayummad walaalo ha idinku filaado dhiigii soomaali ka qubtay een wali istaagin. Ha yeelina siyaasiyiinta ee caqliga wanaagsan yeela dhiig daatana sidiisaba ha taageerina. Gidigeen islaam ayaynu nahay dhulka waa wada leenay dabkana waa kala qaadanaa. Aabti iyo adeernaa waa siu nahay

2- Dadka ku dhaqan soomaaliland

Walaalayaal dhinac istaaga dawladiina oo u jeheeya xagga wanaagsan. Dawladda iyo xukuumaduna waa kala laba. Dawladdu waa qaranka xukuumaduna waa xisbiga ku guulaysata talada dalka waanu tegeyaa maruun

3- Culimada iyo waxgaradka soomaaliland

Dhiiga islaamka badbaadiya soomaali waa wada islaam qiil uuma haysaan dhiig soomaali iska daadinayso addun iyo aakhiro toona hadaad ka aamustaan???????? WAA SUAAL

4- Xukuumada soomaaliland

 Intaad nabad wax ku helaysaan dhiig ha doonina waa xaaraan dhiig islaam

5- Saxaafada

Aad baan idiin taageerayaa aad baan uuga xumay xadhiga laydiin geystay gaar ahaan dhamaan cidii qardoofadu kasoo gaadhay xadhigaa sida HCTV iyo hadhwanaagnews aad baan uuga caloolyoobay hablaha la dhaawacay sida NIMCO SAMRIYE iyo kuwa kale aanan magacooda saxayn