Dadka U Dhinta Sababta Sawir Ay Iska Qaadayeen Oo Batay Iyo Dal Mamnuucay In Meelaha Qaar Lagu Galo

Delhi (SLpost)- Wargeyska caanka ah ee Washington Post ayaa warbixin ay dhowaan baahisay ku sheegtay in tiro-koob ay ilo rasmi ah u adeegsatay ay ku ogaatay in sannadkii ina dhaafay ee 2015 ay 27 ruux meelo kala duwan oo dunida kamid ah ugu dhinteen sababo la xidhiidha sawirka talefannada casriga ah la iskaga qaado ee Selfie afka qalaad lagu yidhaahdo, dadkaas oo kala badh ay ku dhinteen dalka Hindiya.

Sawirka Selfie loo yaqaanno ee qofku uu gacantiisa iskaga qaado ayaa muddooyinkan noqday balwad ay dadku aad u xiiseeyaan, marar badanna la isku xujeeyo ama lagu tartamo qofka sawirka ugu fiican ee Selfie ah iska qaada ama sawirka ugu dhiirran iska qaada. Laakiin waxaa soo baxaysa in sawirradani ay ka mid noqonayaan sababa dadku u dhintaan kadib markii ay korodhay tirada dadka xiisaynaya in sawirkan ay iskaga qaadaan meelo khatar ah, sida tariinnada dheereeya hortooda, cidhifka webiyada, badaha, gebiyada dhaadheer iyo guryaha aadka u dhaadheer oo ay dhacdo in qofka isu-dheelli-tirnaantu ka lunto oo uu dib u ciiro, kadibna dib uga shalqado ama ku dhaco dhabbaha tareenka, sidoo kale waxa ay dadka qaar ku istaagaan jambiyada laashashka dalxiiska loogu galo badweynta oo ay dhacdo in marka uu qofku cidhif iskaga taago in ay rogmadaanba.

Arrintani waxa ay dowladda dalka Hindiya ku qasabtay in ay aqoonsato khatarta nafeed ee ka dhalata ficilkan, sidaa awgeed waxa ay soo saartay sharci adag oo mamnuucaya in qofku uu sawirrada Selfie iskaga qaado 10 meelood oo ka mid ah dhulka dalxiiska caanka ku ah ee dalka Hindiya.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in inkasta oo g’aankan ay dowladda Hindiya doonayso in ay ku xakamayso ficilkan khatarta ku keenay nolosha dadka, haddana uu raysalwasaaraha dalkaas Narendra Modi uu caan ku yahay in uu sawirrada Selfie ku galo munaasabad kasta oo muhiim ah, taas oo ka dhigtay in uu ka mid noqdo siyaasiyiinta dunida ugu caansan dhinaca jacaylka sawirrada Selfie ah, laakiin haddana weli laguma eedayn in uu jebiyey xeerkan maadaama oo goobaha uu ku gelayaa ay yihiin kuwo aan khatar badan lahayn.

Xigasho Geeska Afrika