Dad la yeeshay!

Sheekhii salaadda na tukinayey baa ka baxay “Asalaamu Calaykum Waraxmatulllaah” inta uu laba jeer yidhi, ayaannu ka daba nidhi. Salaadda aannu ka baxnay waa tii Maqrib. Goobtuna waa masaajid ku yalla badhtamaha Hargeysa. In yar kadib markii salaadda laga baxay,  ayaan kabahaygii qaatay oo aan ka baxay Masaajidkii. Waxa aan u soo kacay meherad aan macmiil u ahay. Waa meherad timaha lagu jaro, ama Rayiisle. Gudaha marka aad soo gasho afarta geesba muraayado ayaa ku kala boobaya! Xagga aad u jeedsato ba waad iska dhex arkaysaa. Kursi wayn oo wareegaya oo dhinaca bari u jeeday baan fadhiistay. Muuqaalkaygii  dhowr jeer baan ka dhex arkay hortayda! Saaxiibkay baa maqas iyo Cagaf u soo qaatay timahayga. Waa sidii aan ku soo talo galay oo cabsi iyo lexejeclo toona igama ay hayn. Maro yar oo uu timaha iiga dhigay buu qoorta ii galiyey, garfeedhna timayga sudhay. Markaas buu soo qaatay daab kale oo jab makiinad ahna ku xareeyay. Halkan hortayda ayuu saartay dhammaan agabkii, marka laga reebo cagaftii uu timaha ku maaruqayey. Anigu dhanna ma daymoon karayn  oo hawlgal baa dushayda ka socday.  Se muraayadda igu toosan ayaan wax walba kala socday. Albaabka haddii laga soo galo iyo haddii laga baxo, halkaas ayaan ka arkayey. Waxa kale oo aan muraayadda ka dhex arkayey shaashad dhabarkayga taallay oo kubad laga daawanayey. Waxa ay ahaayeen reer Yurub kuwa balooniga dheelayey. Wiil iga dambeeyay baa isna kursi ku fadhiyey oo ciyaarta si fiican ula socday. Marar wuu ka sheekaynayey ciyaartoyda, marar kooxaha iyo asalkooda ayuu ka warramayey, mararna silsiladda ciyaarahooda ayuu ka sheekaynayey. Waayo waxa uu ahaa qof inbadan la socday oo bartay. Aad baanu u xiisaynayey.

sadaam

Anigu sheekadiisu aad baan ula socday. Mar waan qoslaa, marna waan yaabaa! Waxa aan la fajacay sida uu ugu abtirinayey kooxahan iyo ciyaartoydooda. Waxa uu xataa warinayey waraysiyo ciyaartoyda ciyaaraysay siiyeen warbaahino kala geddisan. Aniguna aad baan u dhagaysanayey. Hawshii madaxayga ka socotay isaga ayaan kaga mashquulay, waayo wuxuu ahaa maktabad ciyaaraha iyo ciyaartoyda oo dhan laga heli karayey. Aad baanu u da’ yaraa. Sidii uu u joogo ayuu marmar qaylo sannaadhayey! Mise gool ma aha! “Waa bahal ilmo xaaraan ah! Waligii ba laagga xorta ah balaayo ayuu ku qabay” buu yidhi!! Mar kale na wax kale ayuu lahaa. Aniguna aad baan ula socday oo muraayadda hortayda ayaan wajigiisa ka arkayey marka ay muraayadda uu hor fadhiyaa igu soo celiso.

Waxa soo galay wiil kale oo macawis xidhan, garan gacmo go’an iyo sandal ku taagan. Macawista ayuu cidhifka haystay gacantana waxa ugu jirtay calaamad calan la moodo. Laakiin magac ku qoranyahay. Sidoo kale garankiisa markii aan dhabarkiisa arkay waxa ku qornaa lambar iyo magac. Ciyaartoy reer Yurub ah buu ahaa garankiisii. Wiilkii markii ba shaashaddii ciyaaruhu ka socdeen buu eegay. Kii kale ee hore u sii fadhiyey buu garab joogsaday. Kuye “Alla show maantaad ciyaarayseen, niyow daawo baan islahaayee hurdadaa ila tagtay, imikaan kacay”. “Oo xalay sawtii la idin baabiiyey, ma sidaas baannu anaguna idiin hadhnay”!Kii kale. “Haa, xalay niyow way na garaaceen, laakiin tababarahaa neef ah, waa ninka saddex difaaca ku yimid. Bahal khashiina buu ahaa. Ciyaar Darbi ah buu saddex difaaca la imanayaa! Wallaahi xalay madax xanuunkii waan ka seexan waayey” ayuu yidhi isagoo wali taagan, muraayaddana ku maqan. Kii kale baa la soo booday “Waar neef baad tahay niyow, shax cajiiba ayuu soo dagay, ee rag baa idin helay” qosolna wuu ku daray. “Waar isagaa Garaca garacu dhalay na jabiyey waxba nagamay adkayne, ma ninka saddex difaaca la yimid!” ayuu kii kale yidhi isaga oo xanaaq murugaysan. Dooddii muddo ayey socotay, markii dambe aadbay isku caayeen waanay isku af dhaafeen dooddii. Farokahadal markii ay gaadhay ayaa la kala qabtay, oo mid ba gees loo keexeyay.

Hase ahaatee, waxa aan iswaydiiyey waxa wiilasha goortan Hargeysa dhex jooga ee guryihii hooyadood ka soo toosay ka galay ninka Yurub Galbeed kubbad ku dheelaya! Waxa aan garan waayey waxa madaxa xanuujiyey iyo waxa ay isku dagaaleen. Aad baan u qiirooday, waxa aan ku walaacay in wali aannu addoomo u nahay reer Yurub. Waa maxay sababta ninka yar ee camal la’aantu ku haysato Geeska Afrika uu aqoon ugu leeyahay kurayga reer Galbeed ee kubbadda ciyaara iyo abtirsiintiisa! Si ka soo horjeedda sida aanu dhulkiisa iyo dadkiisa u aqoon?! Waa maxay sababta uu kurayda reer galbeed guuldarradooda u la booyo, guushoodana u la badhaadho? Waxa maskaxdayda ku soo hormay boqol iyo jarjar wadyiimood. Waxa se ay isugu soo biyo shubanayeen in gumaysigii Afrikadu wali taaganyahay.

Ninkii moodaya in Afrika gumayste ka tagayow waa ismoodsiis! Isla Afrika bay ahayd halkii wiil yar oo madow oo gaajo iyo darxumo ku nooli isku dilay ka dib markii wiilal reer Yurub ah oo uu daawanayey kala badiyeen! Maxaa iska galay? Waxa iska galay waxa addoommada iyo sayidkooda iska galay uun! Gumaysigii ninka cad ee ku fool lahaa ka madow, ayaa qaab kale galay. Qaab casri ah oo la jaanqaadi kara horumarka la sameeyay ayuu galay. Waayadii hore haddii ninka madow ee Afrika ku nool sida xoolaha loo raran jiray dabadeed lagu adeegan jiray, hadda isaga oo mooggan baa lagu adeegtaa oo wixii la rabo loo dirtaa.

Sideedaba, ummadi marka ay ku guulaysan waydo carbinta jiilkeeda iyo jihayntooda, waxa ka faa’idaysta ummado kale oo u carbista sida ay u rabaan. Hadhowna waxa ay ugu adeegaan tabta ay ka rabaan! Dhacdadanina waa tusaale ka mid ah dhallinta ay reer galbeed maskaxda ka korsadeen. Hadhow haddii ay ugu adeegaan sida ay rabaan, ama ay badaha ugu hoobtaan sidii ay ugu tagi lahaayeen yaanay innagu cuslaan. Sida ay u fududaatay in aynu u rabbayn kari waynay, ha u fududaato in aynu geerida saxaraha iyo silica badda u oggolaano. Waayo ubadka aynu garaadkooda hagi waynay ma lihin innagu dhab ahaan, waxa leh cidda leh maankooda!

“Dad la yeeshay!”

Saddaam Xuseen Carab

saddamcarab@gmail.com