Dacwad Ciqaab ah oo Madaxtooyadu Ku Oogtay Wargeyska Ogaal oo Mar kale Maxkamaddu Muddaysay

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa mar kale dib u muddaysay Khamiista toddobaadkan oo ku beegan 5 May 2016  dhegaysiga Dacwad ciqaab ah oo Madaxtooyadu ku soo oogtay Wargeyska Ogaal, taasoo eeddeeda lagu saleeyay warar uu wargeysku qoray bishii siddeedaad ee sanadkii hore 2015.

Muuse JaambiirDacwaddan ciqaabta ah oo ay oogisteeda ku qoran yihiin Madaxweynaha Axmed Maxamed Siilaanyo iyo marwadiisa Aamina Weris, eedaysanena uu ka yahay Gudoomiyaha wargeyska Ogaal Muuse Jaambiir oo mudaynteedii hore ay dib uga dhacday dhanka Maxkamadda ayaa mar kale qarreenadda wargeysku sheegeen in dib loo mudeeyay bisha May 05.2016, maalintaas oo ah khamiista toddobaadkan bilowga ah. urruradda saxaafadda iyo urruradda xuquuqda aadamiga u doodda ayaa ugu baaqay garsoorka Somaliland in dacwadaha saxaafadda loo maro xeerarka maddaniga iyo xeerka saxaafadda, isla markaana la laallo adeegsiga xeerka ciqaabta, hase yeeshee ilaa hadda waxa la dhawrayaa talaabadda ay qaado maxkamaddu.

Dhanka kale Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Jaambiir oo warbaahintu wax ka waydiisay kiiska loo haysto ayaa ku jawaabay oo yidhi;“Anagu ma nihin budhcad dad dhacday, ma sidano qori, waxaanu sidanaa qalin, waxaanu qoray war, ma diidanin in nala dacweeyo, balse ciddi wax ka tirsatay wararkaa, aan isku waajahno dacwad madani ah oo ku salaysan xeerka saxaafadda, aan helo garsoor siman oo na kala xaq siiya. laakiin tan loo adeegsanayo xeerka ciqaabta uma aragno cadaalad, waxaanu u aragnaa cabudhin, waxaanu u aragnaa marmarsiinyo loogu raad gadanayo in albaabadda loogu xidho wargeyska Ogaal iyo Wargeysyada kale ee xayiran, sidii kuwa horeba loogu xidhay. Markaa waxaanu eegaynaa Maxkamaddu siday ka yeesho dacwadaha ciqaabta ah ee lala beegsanayo warbaahinta madaxa banaan, iyadoo la diiday in la galo kiisaska dhanka ka ah wasiiradda waxyeela weriyayaasha. Sidaa darteed haddii aan dacwadan iyo kuwa kale ee saxaafadda lagu soo dabaalin habka maddaniga ah iyo xeerka saxaafada oo ciqaabtaa lagu wato, anagu iskama difaaci karo madaxtooyo sharcigu yahay doonisteeda xitaa haday sharcidaro tahay, waxay diidantayna sharci darro yahay xitaa hadduu sharci yahay.”