DACAR-BUDHUQ: Maamulaha Wershad Dadka Deegaanku ka Qayliyeen Khatarteeda Caafimaad oo Ku Hanjabay inay u Guurayaan Waddanka Ethiopia

Dacar-budhuq (SLpost)- Shacabka ku dhaqan deegaanka Dacar budhuq oo ay ku taalo warshada hoodhisa hargaha ee Chinese-ku leeyihiin ee Jeronimo, ayaa cabasho xoogan ka muujiyey khatarta caafimaad ee dhinaca neefsashada ee ay ku qabaan warshadaas iyo Kimikalka ay isticmaasho.

Warbixin ay ka qortay Jariirada The Guardian oo ka soo baxda wadanka Ingiriiska, ayaa lagu iftiimiyay halista shacabka iyo lacagta xukuumadu kula heshiisay shirkada leh warshadan inay keentay in dowlada Somaliland ay waxba ka qaban kari weydo nidaamka qashin qubka ee hadhaaga warshada.

Warbixintii  Wargeyska The Guardian oo aanu soo tarjunnay, ayaa u dhignayd sidan: “Warshada hoodhka ee Chinese ku leeyihiin oo ku taala wadanka Somaliland, ayaa lagu eedeeyey inay ilaha biyaha dadku cabaan ku daadiso hdhaaga suntan khatarta ah ee ay warshadaasi isticmaasho. Laakiin sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanku, xukuumada ayaa ku guuldaraysatay inay faro galin ku samayso iyadoo ka cabsi qabta in arintaasi carqaladayn doono maalgashiga dadka ajaanibka ahi ku samaynayaan wadanka.

CHINESE FACTORY IN LASGEL
PHOTO COURTESY: The Guardian

Ururka wershadaha iyo dhoofinta ku shaqeeya ee la isku yidhaahdo Jeronimo (Jeronimo Group of Industries and Trading PLC,) oo qayb ahaana la shaqaysa shirkada Chinese ka ah ee Phis oo soo saarta agabka loo xidho difaaca gacmaha  (glove-making), ayaa ah shirkadii u horeysay isla markaana ah shirkada kaliya ee Ajaanib leeyihiin ee ka howl gasha wadankan iskii isu magacaabay ee ku yaala gobolka Geeska Afrika.

Tan iyo 2008 ayay warshadani shaqadeeda ku dhex waday deegaanka Dacar budhuq oo 60 km dhinaca bari kaga beegan caasimada Hargeysa.

Dadka ku dhaqan deegaanka ku dhow goobta warshadani ku taalo, ayaa dhowr goor ka cawday inay caafimaad daro dhinaca neefsashada ah ay la soo daristay.

Nin hore uga tirsanaa shaqaalaha shirkada Jeronimo oo magaciisa la yidhaahdo Ibraahim, ayaa ka waramay in maalin isagoo walaaqaya iskuna qasaya isku dhiska kimikaad ee “ Chormium” oo aan xidhnayn dahaadhka afka iyo sanka ee gaashaanka u ah, inuu urtii iyo qaacii ku baxayay uu la miyir doorsoomay oo dhulka ku soo dhacay, isagoo madaxana dhulka ku dhuftay. “Shirkadu imay geynin Cusbitaalka.” Ayuu yidhi. “Ilaa maalintaas wixii ka dambeeyey neefsigu waa igu dhib.” Dad badan oo kale oo deegaanka ahina waxay xaqiijiyaan in dhibaatooyin badan ay ku qaban.

Shaqaalaha jariidada Guardian oo Baadhis u tagey dhismaha warshada Jeronimo, waxay la kulmeen, Ur xad dhaaf ah oo aan loo adkaysan Karin, shaqaalihii oo aan wejiga ku xidhnayn qalabka hawada nadiifiya , dharkii loogu tallo gallay iyo kabo ku haboon midna aan sidan ee Sibidhka gudaha wershada iska jiif jiifa si caadi ah.

Hadhaaga kimikalka ay warshadu ku shaqayso ayaa lagu shubaa meel u dhow goobaha dadka deegaanku biyaha ka cabaan, Inkastoo maamulka wershadu arintaas dafireen, hadana waxa cad inay ka hor yimaadeen nidaamka iyo shuruucda caalamiga ah ee lagu dhaqo warshadaha qudhmiya, hoodhiya hargaha. Xoolaha oo 80% ah isha dhaqaale ee dadka deegaankaasi ganacsi ahaan u iib geyn jireen ayaa dhamaaday oo le’day, intii soo hadhayna ay diideen inay cabaan biyihii, iyadoo dadka raacatada ahi meelo kale u waraab geysta xoolohooda. Sidaana waxa xaqiijiyey oday dadka tuulada degen ka mid ah. “Xoolihii ku dhaqnaa deegaanka warshadani ku taalo way wada dhinteen, taasina waxay abuurtay faqri,.”ayuu yidhi Maxamed oo masuul dawlada hoose ka tirsan ahi. “Biyaha halkani waxay ahaayeen kuwo bilaash ah, oo Ilaahay dadka Siiyey. Imika dadku waa inay iibsadaan biyaha oo ay dad ka ganacsadaa soo qaadan. Jirikaankii 20 ka littir ahaana  wuxuu ku tagaa qiime dhan 10,000 oo shillinka Somaliland ah ($0.80). waana lacag xad dhaaf ah.”

Maalgashatada ajaanibta ah sida Jeronimo ayaa u muuqata mid haddii waxyeeladeeda laga hortago khatar ku keeni karta u qalmitaanka Somaliland ee wadan iskii u madax banaan, iyo qodob aan loo lumin Karin shacabka reer Dacar budhuq dartood. “Waxaanu kala hadalnay wasiirada, wasiir ku xigeenada. Mar walbana cabashadayada waxa la isku dhaafiyaa cid kale,” oday waayeel ah oo dadka deegaanka degen ka tirsan ayaa sidaas yidhi. “Dowladu waxay u aragtaa ( Cabashadayada) dagaal maalgashatada caalamiga ah lagu soo qaaday, waxaanay isleedahay haddii arintan aad soo faro galliso sawir xun bay kaa bixin doontaa.”

Xukuumada madaxweyne Axmed Maxamuus Siilaanyo ayaa wax yar uun ka qabatay joojinta khashinka warshadan sidii goob fiican loogu qubi lahaa, wallow ay cabashada dadku tahay mid sii socota oo aan marna istaagin.

Xog-hayaha guud ee rugta ganacsiga Somaliland, Ibraahim Ismaaciil Cilmi, ayaa sheegay in mar wafti todoba wasiir ka kooban loo diray si ay u soo hubiyaan arinta warshada Jeronimo sanadkii 2008 dii, arintooduna wali tahay mid “wali qiimayn ku jirta” ilaa xiligaas.

Laakiin masuul sare oo xukuumada ka tirsan oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa wuxuu intaas ku daray. “Waanu ka shakinay iyaga (Jeronimo). Waxay walxo sun ah iyo hadhaagoodaba ku daadiyaan dooxa.”

Jeronimo ayaa heshiis $6 m (lix milliyan oo dollar ah ) kula jirta xukuumada Somaliland, waxaanay masuuliyiinta dowladu sheegeen in si loo xidho warshadaasi ay tahay in lacagtoodii loo celiyo. “ Malihin awooda aanu lacagtoodu ugu celin karno, sidaas darteed tallooyin uunb baanu siinaa.”

“ Haddii dowladu ka wewerayso xaaladahan caafimaad, intii aanaan meesha iman ayay naga sii hubin lahayd.” Sidaana waxa yidhi Li Fai La, maamulaha warshada. Halkii ay ka tirtiri lahayd ama dib u cusboonaysiin lahayd si markale loo isticmaalo, wuxuu sheegay in shirkadu ku daadiso qashinka warshada. “meel biyo ah oo 3 km dibada ka ah dhismaha warshada.” In kasta oo aanu sheegin cadadka qashinka ay shirkadu daadiso, waxay wakalada Guardian ogaatay inaanu jirin nidaam qashinka u dejisan oo ay warshadani ku dhaqantaaba.

Li wuxuu rumaysan yahay in cabashooyinka warshadooda laga sheeganayaa ay salka ku hayaan arimo dhaqaale doon ah, waxaanu tilmaamay inuu danaynayo inuu warshadaba u raro wadanka Somaliland deriska la ah ee Ethiopia. “ Warshada waad soo eegi kartaan hadda, haa ur xun wey leedahay , laakiin geedihii way baxayaan , kaluunkuna wuxuu ku nool yahay biyaha u dhow.”

SOMALILANDPOST.NET