Dab Xooggan oo ka kacay Suuqa Waaheen ee Hargeysa oo ku sii Fiidaya Qaybaha kale ee Caasimadda

Hargeysa (SLpost)- Dab aad u xooggan ayaa ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxaanu dabku si xooggan ugu faafayaa qaybaha kale ee Suuqa iyadoo khasaaraha ilaa hadda ka dhashay aan la qiyaasi karin.

Dabka oo noqonaya kii ugu weynaa ee ka kaca suuqa Hargeysa, ayaa la sheegay inuu ka bilaabmay meherad Bakhaar ah oo ku taalla dhinaca koonfureed ee Suuqa Waaheen, gaar ahaan dhinaca Dooxa Xigta, waxaana jira dedaallo ay isku dayayaan ciidanka dab-demiska oo baaxadda dabku ka xoog weynaatay.

Tan ayaa sababtay inuu dabku si xooggan ugu faafo qaybaha kale ee Suuqa, waxaanu xilligan dabku soo gaadhay faras-magaalaha Caasimadda oo ay ku yaallaan xarumaha shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa bixiya adeegyada Zaadka.

“Qof kasta oo leh cagaf-cagaf ama Booyad ha keeno si uu uga qayb-qaato daminta dabka,” Sidaa waxa bulshada u soo jeediyey Dowladda Hoose ee Hargeysa.

Dowladda Hoose ee Hargeysa, Ciidanka Dab-demiska, ciidamada kala duwan ee caasimadda iyo wakaaladda Biyaha ee Hargeysa, ayaa qayb ka ah dedaallada lagu deminayo dabka.

Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa ayaa qaybaha kale ee magaalada ka xidhay biyaha si ciidanka dab-demiska iyo booyadaha kale ee deminta ka qayb-qaadanayaa u helaan biyo ku filan oo lagu tacaallo daminta dabka.

Dabka oo ilaa hadda la xakamayn kari la’ yahay, waxa ku shuf-beelay meherado tiro badan oo ay leeyihiin ganacsatada daba-qadda Dhexe, gaar ahaan kuwa iibiya Bagaashka iyo dharka.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa gaadhay suuqa Waaheen ee Dabku ka kacay, iyadoo ilaa hadda la xakamayn la’ yahay joojinta dabka oo ku fidaya qaybaha kale ee suuqa.

La soco warar dheeraad ah oo faahfaahsan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net