Dab Ka Kacay Cisbitaal Ku Yaala Magaalada Jeesan Ee Sucuudiga 25 Ruux Ku Geeriyoodeen

Sucuudiga(SLpost)-Ugu yaraan 25 qof ayaa ku geeriyoodey 107 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii Isbitaal ku yalaa magaalada Jeesaan uu gubtey, sida laga soo xiganayo masuuliyiinta Sucuudiga.

Hayu’adda Difaaca rayidka ayaa sheegtay in Dabka kacay saqdii dhexe ee habeenimadii xalay (Khamiis). Lama garanayo sababta kicisey dabkan, kaas oo ka bilowdey dabaqa kowaad ee Isbitaalka.

Kooxaha la dagaalama dabka oo aad u tiro badan ayaa goobta soo gaadhay, waxaana ay sheegeen xaaladdu hadda ay ku jirto gacanta oo dabkii la xakameeyey. Dowladfda Sucuudiga ayaa durba bilowdey baaritaan la xidhiidha dabkan.

Magaalada Jeesaan oo dhacda xeebta Koonfur Galbeed ayaa caan ku ah ganacsatada Soomaalida ee geysa halkaas xoolaha.