Dab-demis La’aanta Haysata Caasimada Labaad Ee Jamhuuriyada Somaliland ee Burco – By Eng Cabdilahi

Dhamaan Waxaan salaamaya Saxafada Madax banaan ee jamhuuriyada Somaliland ee noo soo ban dhigta baahiyaha dalka ka jira iyo dhibta ka  taagan si joogtaana ay badan koodu nuugu soo gudbiyaan warar dhexdhexaad ah oo aan beeni ku jirin.Maanta waxaan qalinka u qaatay gobolka togdheer gaar ahaan caasimada labaad ee somaliland Burco ,Sida aan ka wada dheregsanahay waxaa jirta in magaalada burco maalin walaba dab ka kaco meelaha suuqyadaa xaafadaha madaarka iyo meel kasta oo gubataba.

fire carDhawaan ayaa waxaa magaalada burco xaafada loo yaqaano baarsiigo oo dab ka kacay foos- tooyin lagu sameenayay daamur, Ayaan la kulmay dadkii ciida iyo kaba hooda ku bakhtiiyay dabkaa xooga lahaa ee ka dhashay foostooyinka damurkaa, dabkaas oo ka dhex kacay magaalada dhexdeeda oo boqlaal qofi marayeen ,Sida aad wada ogsoontihiin caasimada labaad ee dalka somaliland malaha DABDAMIS waxaana dhacda markasta oo dab kaco meelaha dadku isgu yimaado xaafadaha suuqa kaalmaha shidaalka iyo meel kasta oo dab qabsado inaan la baqkhtiin karin madaama aan gobolka togdheer iyo caasimada labaad ee somaliland ee burco ba lahayn haba yaraate wax DABDAMIS ah.

Hadaba in badan ayaa lays waydiinayay maxaa qaar ka mid ah tuulooyinka dalka somaliland u yeelay dabdamis ee u diiday caasimadii labaad ee dalka somaliland,Burco baabur kaliya oo dabdamis ah?

Mise ma kuula muuqata xukumad kasta oo dalka somaliland qabsataa inay dabada usoo jeediso marka ay hesho waxa ay ka rabto haday cod tahay iyo haday tageerid kale tahayba?

Hadaba Su’aasha waxaan u dhaafayaa akhristayaasha sharafta buuxda leh???.

Waxaa soo maray gaadhi kaliya oo uu gobolka togdheer lahaa waxaana looga qaaday magaalda berbera.mana jirto badalkiissi in dawaladu keenatay iyo cid kale oo isku hawshay toona waana arin runtii u baahan in hoos loo eego oo si degdeg ah wax looga qabto, aaduun waynaha marka nolasha la dhisaayo waxaa ka mid ah in la eego waxa oo laga taxadiro dabka iyo waxii nolasha dadka wax yeeli kara ( health and safe) seeftigga bini aadamka waa shay aad u muhiim ah aan idhaha laga qarsan karin kuna dhisantahay nolasha dadku.

Ha ii arkina inaan dawlada ama xukumada hada jirta ku ahay mu caarid lakiin waxaan qalinkan ku cabirayaa rayigayga iyo dhibta aan arko ee laga idho qarsanaayo.Sida aan la wada socono waxaa dalka somaliland soo maray 4 dawladood oo kala danbeeyay tan iyo maaalintii lagaga dhawaaqay gooni isu taaga magaalada burco 1991 markaa kadib waji kasta oo aan soo marnaba waxaad mooda in layska ilaaway caasimada labaad ee somaliland oo dawlad kasta ka qarsato indhaha kadibana 5 sano ee la doortay u dhamaato waxaana yimaada madaxwayne iyo dawald cusub oo waydiista cod iyo tageerid marka ay ka helaana waxay yidhaahdaan inaga soo xidha albaabkaas gobolka togdheer gaar ahaan magaalada burco oo aan haba yaraatee laga qaban wax muuqda marka laga reebo xukumada axmed siilanyo oo ka badashay lacagtii qaynbaarka ahayd.

Marka loo baahdo difaac qaran waxay burco ka mid tahay meelaha laga difaaco dalka somaliland horena looga soo difaacay waxay ku taala badhtamaha dalkii laysku odhan jiray somalia barigii hore, taas waxaa u dheer waxaa dhinaca bari ka xiga cadaw badan oo soo dhaafi kariwayay in kasta oo dalka iyo gobolada somaliland oo dhan laga difaaco dalka loona kala hadhin hadna marka ay runta tagto gobolka togdheer waxaa uu dheeryahay inuu ku yaala halka cadawgu ka soo weerari karo dalka taasina waxay sababtaa inaan haba yaraatee yar iyo wayn lo kala hadhin ee hore laga qaato bilaawa.

Yadana Waxaa xusud mudan in somaliland oo dhan geesiyaal ku nool yhiin hayna fahmina inaan togdheer oo kaliya amaanayo waayo aniga ayaa ku dhashay kana soo jeeda qalinkana qaatay.Dad waynaha reer togdheer gaar ahaan kuwa reer burco waxay dirayaa fariin dheer una gudbinayaan xukumada somaliland iyo quruba joogeedaba in si dhakhso ah loo keeno gobolka togdheer baabur dabdamis gaar ahaan caasimada labaad ee somaliland oo aad moodo in la ilaaway inay tahay caasimadii labaad ee dalka.

By Eng Cabdilaahi Osman.