DAAWO XuKuumadda Somaliland Oo Faahfahin ka Bixisay Ciidamo Luyuu Police ah Oo soo galay xuduudda Somlaliland

Hargeysa9 Slpost.net) Ciidamada Booliska Somaliland ayaa shalay ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ku wareejiyay shan askari oo ka tirsan ciidanka Liyuu Booliska ee dawladaas iyo laba qof oo kale oo midi ahaa darawalkii Liyuuga u waday baabuurka.

Ciidamada Booliska, ayaa ciidamada Liyuu Booliska oo watay baabuur ah nooca loo yaqaano 1H, waxay ka soo qabteen xuduudka Koonfurta gobalka madoori-jeex  ka dib markii sida lay sheegay ay ciidankani ku soo gudbeen xuduudka Somaliland. Kooxdan Liyuu Booliska ayaa sheegay inay si khalad ah uga soo gudbeen xadka Somaliland, waxaana loo soo dhaadhiciyay caasimadda Hargeysa