DAAWO Xisbiga WADDANI oo ka hadlay Natiijada Doorashada iyo Rejada ay ka qabaan

Abdiqadir-JirdeHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay natiijada ay ka filayaan doorashada madaxtooyada ee Isniintii todobaadkan ka qabsoontay dalka, waxaanu taageerayaashiisa ugu baaqay inay is-dejiyaan isla markaana ka dhur-sugayaan dhawaaqa Guddiga Doorashooyinka.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo la hadlay saxaafadda qaarkeed, ayaa sheegay in isbeddel ka dhici doono dalka isla markaana ay rejo fiican ka qabaan natiijada doorashada.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA XILDHIBAAN JIRDE.