Daawo Xisbiga Kulmiye oo Munaasibad laysku Arkay ku soo bandhigay Barnaamij-siyaasadeed uu dalka ku hoggaaminayo

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad ballaadhan oo saaka lagu qabtay Hotel Mansor ee magaalada Hargeysa, ayaa xisbiga Kulmiye ku soo bandhigay Buug xambaarsan barnaamij-siyaasadeedka uu xisbigu ku hoggaamin doono talada dalka Shanta sanno ee soo socda.

Munaasibadda oo ay ka qayb-galeen Madaxweynaha Somaliland, Murashaxiinta Madaxweynaha iyo kuxigeenka Kulmiye, Hoggaanka Sare ee Xisbiga, Wasiirro, Madax-dhaqameed iyo Dadweyne tiro badan, ayaa xisbigu ku soo bandhigay barnaamij-siyaasadeed lagu tilmaamay kii ugu miisaanka cuslaa Xisbiga Kulmiye ee loo dejiyey hoggaaminta dalka haddii xisbigu ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto bisha November ee sannadkan.

https://youtu.be/YZQiKu6c9SA