DAAWO Xafladdii Meherka Inanta uu dhalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo Noqotay Munaasibaddii ugu Miisaanka Cusleyd ee Gabadh loogu Geed-fadhiisto

Djibouti (SLpost)- Waxa habeen magaalada Jabuuti ka qabsoontay Munaasibad Meher tii ugu ballaadhneyd ee ka dhacday Mandaqadda Geeska Afrika, taas oo laysugu Hibaynayey Wasiirka Waxbarashada iyo Tabobarrada Xirfadaha Jamhuuriyadda Jabuuti Dr Jaamac Cilmi Cukuye iyo Haybado Ismaaciil Cumar Geelle.

DAAWO Xafladdii Meherka Inanta uu dhalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo Noqotay Munaasibaddii ugu Miisaanka Cusleyd ee Gabadh loogu Geed-fadhiistoMunaasibadda waxa ka qayb-galay oo lagu marti-qaaday Siyaasiyiin, Madax-dhaqameed iyo Xubno sharaf ka kala socotay dhammaan deegaannada Soomaalidu degto, kuwaas oo dhammantood uu ku marti-qaaday Madaxweynaha Jambuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhinaca Somaliland waxa marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen Md Ismaaciil Cumar Geelle kaga qayb-galay Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, ganacsato iyo Wax-garad ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Oday Cabdi Waraabe iyo Shakhsiyaad, Siyaasiyiin iyo Ganacsato si weyn looga yaqaano Somaliland.