DAAWO Waraysi Xogo badan Iftiimiyey oo uu bixiyey Murashaxii Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID

Hargeysa (SLpost)- Musharraxii u tartamay jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID doorashadii Madaxtooyada Somaliland ka dhacday 13-kii November 2017-kii Prof: Axmed Cabdi Muuse Abyan, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo dhawr ah oo uu ay ka mid yihiin Mustaqbalkiisa siyaasadeed, dhismaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, khilaafka ka taagan Guddiga doorashooyinka ee u dhexeeya Xukuumadda iyo UCID oo isku dhinac ah iyo Xisbiga Waddani oo dhinac ah, siduu u arko kulammada Madaxweynuhu la yeesho Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda iyo qodobbo kale.

abyanWaxa uu Prof: Abyan, arrimahaas iyo kuwo kale oo Xasaasi ahba kaga hadlay Waraysi lagula yeeshay Barnaamijka Xog-tibaax ee ka baxa Telefeshinka Somalinewstv oo uu Daaddihinayo Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal.