Daawo Waraysi Xiiso badan oo lala yeeshay Marwada Madaxweynaha Somaliland iyo Qodobbo Xaasaasi ah oo ay ka hadashay

marwo aaminaHargeysa (SLpost)- Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, ayaa waraysi dhinacyo kala geddisan taabanaya oo ay la yeelatay Wariye Nimco Samriye oo ka tirsan Telefishanka HCTV, waxa ay kaga hadashay taariikh-nololeedkeedii, waayo-nololeed ee ay isla soo mareen Madaxweyne Siilaanyo, doorka ay ku leedahay go’aamada uu madaxweynuhu ku hoggaamiyo talada dalka, noocyada Suugaanta, Heesaha iyo fannaaniinta ay dhegaysigooda jeceshay iyo qodobbo kale oo xiiso badan.

Waraysigan oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee lala yeesho Marwo Aamina Xaji Maxamed JIrde muddadii Shanta Sanno ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo talada dalka hayey, waxa ay Marwadu kaga hadashay Kaalintii ay ku lahayd Guushii Xisbiga Kulmiye ku Hantay hoggaaminta dalka iyo saamaynta ay ku leedahay go’aamada lagu hoggaamiyo talada dalka ee ka soo baxa Aqalka Madaxtooyada Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO