DAAWO Shil Baabuur oo hadal-hayntiisa si Ballaadhan u Dhex-qaadday magaalada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Waxa Maanta badhtamaha Faras-magaalaha Caasimadda Hargeysa ka Dhacay Shil Baabuur oo aan wax khasaare geysan balse hadal-hayntiisa qaabka uu u dhacay iyo Darawalka Baabuurka waday ay xoog u soo jiidatay dadkii goob-joogga ka ahaa iyo dadka ay hadal-haynta Sheekhadii ku gaadhay goobta ay ku sugnaayeen.

Dhacdadan oo ahayd ta loogu hadal-haynta badan yahay magaalada Hargeysa, ayaa ku timi Haweenay Wade ka ahayd Baabuurka, waxaanu shilkani ka dhacay Ka-soo-horjeedka Xarunta Guud ee Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL, gaar ahaan wejadda hore ee Dukaanka Qalanka Technology-ga Iibiya ee SUPER DATA TECHNOLOGY.

DAAWO Sawirrada

shil shil3 shil2 shil4 shil5

 

SOMALILANDPOST.NET