DAAWO Sheekh Aadan-Siiro oo ka hadlay Afgembigii Turkiga iyo Qaddiyadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee maanta kaga hadlay Xaaladda Dunida Muslimiinta ee Xilligan iyo Afgembigii Dhicisoobay ee Toddobaadkii hore ka dhacay Dalka Turkiga.

Sheekh Aadan-Siiro oo Jimce walba khudbadaha uu jeediyo ku soo dara Xaaladaha ku soo kordha Dalka iyo Waddamada Dibadda, ayaa sheegay in Turkigu si aan sax ahayn ula dhaqmayo Shacabka Somaliland, laakiin Maaddaama oo ay yihiin Shacab Muslim ah loo baahan yahay in la garab istaago.