DAAWO SAWIRRADA: Hormadii Labaad ee Soomaalida laga soo Tarxiilay Kenya oo Maanta laga dejiyey magaalada Muqdisho

Muqdisho (SLpost)- Waxa maanta garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyey Hormadii Labaad ee Soomaali laga soo tarxiilay dalka Kenya, kuwaas oo qayb ka ahaa dadkii lagu qab-qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

somalidaDadka maanta ka soo degay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa tiradoodu dhammayd 91 qof oo muddo laba todobaad ku siman ku jiray xabsiyada dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, ka dib markii ay Ciidamada ammaannka Kenya hawl-gal ay ka sameeyeen Xaafadda Islii ku qab-qabteen Soomaali tira badan oo wakhtigan ku jira xabsiyada Kenya.

som3Todobaadkii hore ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu soo celiyey 82 Qof oo dadkaas ka mid ah, kuwaas oo magaalada Nairobi laga soo saaray diyaarad ay leedahay dawladda Kenya.

Shacabka Soomaaliyeed ee shalay loo soo tarxiilay caasimadda Dalkaasi Soomaaliya, ayaa sheegay inay tacaddiyo ka dhan xuquuqda bani’aadamka kala kulmeen muddadii ay xabsiyada ku jireen.

“Waxaan xabsi ku jiray in ka badan 11-maalmood, dhibaatooyin badan ayaana kala kulmay, waxaan ka mid ahaa dadkii laga soo qabtay xaafadda Islii, intii ay gacanta igu hayeen ciidamaduna waxaa la i geeyay shan xabsi oo kala duwan,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadkii saarnaa diyaaradda.

som33Dadka la soo tarxiilay waxa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qaabilay saraakiil ka tirsan Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya.

som343Xasbiyada dalka Kenya waxaa weli ku jira Soomaali tira-badan oo la doonayo in dib loogu celiyo Soomaaliya, kuwaas oo badankooda loo geystay tacaddiyo ka dhan ah bani’aadamnimada markii la qab-qabanayey iyo muddadii ay xabsiyada ku jireenba.

somm

SOMALILANDPOST.NET