Daawo Sawiro:-Madaxweyne Siilaanyo oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa Kadib Safar Todobaad Qaatay oo Uu Ku Tagay Barga Dalka

Hargeysa (SLpost ) Madaxweynaha oo saaka ka soo kicitimay magaalo marseeda Berbera ayaa waxa si miisaanleh loogu soo dhaweeyey inta u dhaxaysa labada gobol ee Saaxil iyo Maroodi-jeex, halkaas oo ay dadku isugu soo baxeen wadada hareeraheeda, iyagoo lulaaya caleemo qoyan, sawirada madaxweynaha iyo Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna dhawaaqaya eryo xigmadaysan oo ka soo go’ay quluubta iyo laabta Muwaadiniintaasi.

DSC_0001 (2) DSC_076 DSC_0003 (2) DSC_076 DSC_0004 DSC_0002 (5)

 Weftigu markii ay ka soo baxeen Berbera waxa soo gelbiyey maamulka heer gobol iyo heer degmo, kuwaas oo kaga hadhay Taalada Cumar ku joog oo u astaysan labada magaalo waa Berbera iyo Hargeyse, ka dibna waxa la wareegay soo gelbinta weftiga masuuliyiinta gobolka maroodi-jeex, oo ku sugaayey madaxweynaha halkaas.

 Waxaanay weftigii madaxweynuhu hogaaminaayey soo dhawayn aan kala go’a lahayn kala kulmen shacbiga ku dhaqan caasimada oo ilaa kaantaroolka iyo qasriga Madaxtooyada sida sawirada idinka muuqataba tubnaa.

 Ka dibna waxa madaxweynaha ku sugaayey Qasriga Madaxtooyada Madaxweyne ku xigeenka dalka, Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye, ahna Musharaxa Madaxweynenimo ee Xisbiga, Gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Maayarka Caasimada, Maayar ku xigeenka iyo Masuuliyiin tiro badan oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, madax-dhaqameed, waayeel, waxgarad, haween iyo dhalinyaro.