Daawo Sawiro Diyaarada Daalo Oo Ka Kacday Muqdisho Oo Waxyar Kaga Badbaaday inay Hawada Ku Burburto

Muqdisho(SLpost)-Diyaarad ay leedashay shirkadda Daallo Airlines oo ka kacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa deg deg usoo degtay, ayada oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta.
DAALLO1 DAALLO2

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradda uu dab ka kacay,Lama yaqaan in dabka ka kacay diyaaradda uu yahay mid cilad ka dhashay ama qarax, hase yeeshee sawirrada ayaa muujinaya in diyaaradda uu ka muuqdo dalool weyn.

Wararka ayaa sheegaya in saddex qof ay ku dhaawacmeen diyaaradda, oo soo noqotay wax yar un kadib markii ay ka kacday garoonka.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay kusii jeeday dalka Jabuuti.Ciidamada nabd sugidda Soomaaliya ayaa iminka baadhitaan iyo su’aalo weydiin ku wada dadkii saarnaa diyaaradda.