(DAAWO)- Raysalwasaaraha Ingiriiska oo Xafiiskiisa ku Qaabiley Madaxweynaha Somaliland iyo Nuxurka Waxyaabaha laga wada-hadley

London (SLpost)- Ralsal-wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameroon, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xubno Xukuumaddiisa ka tirsan oo maalmihii u dambeeyey socdaal ku joogay Dalka UK.

Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyeen Wasiirradiisa Arrimaha Debedda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Ambasador Cali Aadan Cawaale iyo Raysalwasaaraha Ingiriiska oo uu Weheliyo Wasiirkiisa Arrimaha Debedda William Hague, ayaa kulan ku yeeshay Xafiiska looga Arrimiyo Dalka Ingiriiska ee 10 Downing Street.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada oo nuxurka kulankan ku saabsan, ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa maalmahanba Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa caawa fiidkii la kulmay Raisal wasaaraha Dalkaasi Ingiriiska David Cameron.

Kulankan oo ahaa mid ay ku lafa-gureen labada dal, wada shaqaynta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo kulankaasi ku dheeraday sidii loo ilaalin lahaa wada jirka iyo wada shaqaynta ay labadan dal mudada dheer soo wadeen iyo sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta iyo adkaynta nabad-gelyada geeska afrika, hour-marka iyo dhaqaalaha.

David Cameron oo isma madaxweynaha uga mahad-naqay sida qiimaha leh ee ay Somaliland marwalba isaga xil-saarto adkaynta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labadan dal, ha noqoto dhanka ammaanka mandaqada geeska afrika iyo xidhiidhka caalamiga ahba,

Sidoo kale waxa uu raisal wasaare David Camaron Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) u soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay shirka London lagu qaban-doono ee Somaliland iyo Somaliya la doonayo in lagu wada hadashiiyo oo uu ku nuux-nuuxsaday raisal wasaaruhu in ay Somaliland faa’iido weyni ugu jirto ka soo qayb-galkaasi, ingiriiskana ay muhiim u tahay.

Kulankan waxa ku wehelinaayey Madaxweynaha JSL.

1. Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL. Dr. Maxamed CabdilaahI Cumar

2.Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan

3.Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska, Ambasador Cali Aadan Cawaale,

Dhinaca Raisal Wasaarahana waxa ku wehelinaayey

1.Wasiirka Arrimaha Dibeda Ingiriiska Mr. William Hague

     ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

     Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.