Daawo:-“Qaraxii Diyaaradda Daallo Airlines mid argagixiso ayuu ahaa” Wasiirka Duulista Somaliya

Muqdisho(SLpost)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac ayaa maanta saxaafadda kula hadley magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in qaraxii ka dhacay diyaaraddii Daallo Airlines aysan sababin cilad farsamo ee uu ahaa ula kac argagixiso ah oo la doonaayey in lagu dilo dhamaan rakaabka saaran.

Wasiir Jengeli waxaa shir saxaafadeedkiisa ku weheliyey Taliyaha ciidanka Booliska Gen. Maxamed Shiikh Xasan Xaamud. Qaraxa waxa sababey ayuu sheegay in uu ahaa bom, kaas oo weli baaritaankiisu socdo. Wasdiirku si rasmi ah uma sheegin in bomka lagu xirey Laptop, sida warar hordhac ah oo ku saabsan baaritaanka ay sheegayaan.

“…..Baaritaan dheeraad ah oo ay sameeyeen khubaro Soomaali ah iyo kuwo caalami ah, ayaa lagu ogaadey in qaraxa ka dhacay diyaaradda Daallo Airlines, uusan ahayn mid ka dhashey cilad farsamo, ee uu ahaa mid lagu waxyeeleeyo diyaaradda iyo rakaabka saarnaa….” Wasiirka ayaa sheegay inlagu wargelinaayo shacabka ka dhoofa garoonka Adan Cadde in garoonka lagu soo kordhin doono tallaabooyin cusub ee lagu adkeynaayo amniga.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Cali Axmed Jengeli ayaa sheegey in ilaa hadda dhawr qof loo xirey kuwaas kiiska qaraxa oo uu galay tuhun la xiriira qaraxa diyaaradda.

Cali Jengeli ayaa sheegay in baaritaanku weli socdo, isla markaana ay ka qayb-qaadanayaan khubaro caalami ah. Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtey in koox yar oo ka tirsan FBI ay maalintii shalay gaareen Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Booliska oo isaguna ka hadley shirkii saxaafadda loogu soo bandhigey natiijo hordhac ah ayaa sheegay in ay adkeeyeen amaanka Garoonka, Boolisku ay ka samaysteen saldhig cusub.

Dowladda Federaalka ayaa maalintii u horeysey ee qaraxu dhacay sheegtey in uu ahaa cilad farsamo oo ay sababtey Oxygen-ka iyo cadaadis kale. Hal qof ayaa ku geeriyoodey laba kalena waa ku dhaawacmeen qaraxa Daallo Ka dhacay. Ma jirto ilaa hadda cid sheegatey weerarkan argagixiso ee dhicisoobey.

https://youtu.be/esUYOnR4wgQ