DAAWO – Qaabkii looga xusay maalinta 18-ka May magaalooyinka Laascaanood iyo Caynaba

DAAWO – Qaabkii looga xusay maalinta 18-ka magaalooyinka Laascaanood iyo CaynabaLaascaanood, Caynaba (SLpost)- Magaalo-madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa saaka shacabka ku nooli si ballaadhan ugu dabbaal-degeen munaasibadda 18-ka May oo ku beegan 23-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland madax-bannaanidakala soo noqotay midnimadii Soomaaliya.

Sidoo kale, xarunta gobolka Saraar ee Caynaba, ayaa si weyn looga ciiday maalintan, waxaana shaaraxyada magaaladaas isugu baxay dadweyne ku lebbisan calanka saddexda Midab ka kooban, kuwaas oo markii dambe isugu yimi xarunta Kheyriyada ee magaaladaas oo ay kala hadleen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, degmada.

DAAWO LAASCAANOOD.

DAAWO CAYNABA