DAAWO Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo Isku Haleelay Dood Xiiso badan

“Bal 27-ka Julay Guddoomiyoow marka ay gaadho haddaan intaa xal heli wayno Siilaanyo wakaase car ha sii fadhiyo.”

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Siyaasadeed ee Somaliland ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, ayaa dood adag ka yeeshay dhammaadka muddada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ee shantii sano ee la doortay oo ku buuxda 26-ka bishan June sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka, muddo-kordhinta Mucaaradku hore u qaaddacay ee sannadka iyo tobanka bilood dhan ee Guurtidu u samaysay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo isku mar dhammaanaya.

SAWRWaxay sidoo kale Masuuliyiinta saddexda Xisbi ee Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Muuse Biixi Cabdi, kaga hadleen dooddan oo uu u qabtay Telefeshinka Star, Heshiiska aan meel-marin weli ee ay labada Xisbi Mucaarad oo isku dhinac ah iyo Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE wada gaadheen 28-ka bishii hore ee May oo Guurtidu ku tilmaantay sharci-darro aan waxba ka jirin.

Heshiiska Mucaaradka iyo Muxaafidka Somaliland gaadheen dhammaadkii May markii ay Mucaaradku muddo-kordhinta Guurtida qaaddaceen, wadahadal laga yeeshay khilaafkaas, ka dib, waxa uu dhigayaa in muddo afar bilood ah doorashada ka soo hor-marinaya wakhtiga ay Guurtidu kordhiyeen, dhigayana in la qabto doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada badhtamaha bisha December ee sannadka 2016-ka, halka muddo-kordhinta Guurtiduna dhigayso in Dabayaaqada bisha afraad ee sannadka 2017-ka la qabto labadaas doorasho.

Doodda saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID dhex-martay oo noqonaysa markii u horreysay ee ay isku soo hor-fadhiistaan nooceeda, waxa u qabtay Telefishanka Madaxa-banaan ee Star TV oo xalay baahiyey.

Halkan Hoose ka daawo Doodda dhexmartay Saddexda Guddoomiye Xisbi ee Somaliland.