Daawo Muuqaalka Qaabkii loo fuliyey Weerarkii lagu khaarajiyey Hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane

Akhriso Xogta iyo macluumaadka loo isticmaalay Fulinta Weerarkii lagu dilay Hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane

Hargeysa (SLpost)- Waxa markii u horeysay la shaaciyey Muuqaalka qaabkii loo fuliyey Weerarkii Maraykanku habeenimadii Isniinta ee Todobaadkii hore ku dilay Hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil ka tirsan ururkaas wakhti ay ku sugnaayeen deegaan ku tirsan degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya.

Daawo Muuqaalka Qaabkii loo fuliyey Weerarkii lagu dilay Hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi GodaneWasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka, ayaa Afar maalmood ka dib shaacisay geerida Marxuum Axmed Cabdi Godane ka dib markii ay la bartilmaameedsadeen gantaalo iyo bambooyinka meelaha fog-fog laga hago oo laga riday diyaaradaha aan duuliyaha Lahayn (Drones) ee Maraykanka.

Sarkaal u hadlay Aqalka Pentagon-ka Maraykanka, ayaa laga soo xigtay in Gaadhigii uu saarnaa Amiirkii Kooxda Al-Shabaab Axmed Godane uu saarnaa Telefoon nooca Gacanta ah (Mobile) oo bakhtiisnaa, kaas oo hagayey diyaaradda weerarka fulisay oo ahayn nooca aan Duuliyaha lahayn.

Waxa la Xaqiijiyey in Maraykanku hawl-galkaas ku bixiyey adduun Dhan 7 Milyan oo Dollar, iyada ooh ore Maraykanku lacagta intaas le’eg u ballan-qaaday cid kasta oo xog ama macluumaad ka siisa hoggaamiyaha Al-Shabaab.

HALKAN KA DAAWO