Daawo Muuqaal Fadeexad ku ah Diinta Islaamka oo laga duubay Hargeysa

Halkan Hoose ka daawo Muuqaal Fadeexad, ceeb iyo sumcad-dilis ku ah Diinta Islaamka iyo dhaqankeenna Suubban, kaasoo laga duubay magaalada Hargeysa, isla markaana loogu yeedhay Hargeysada faraxsan.

UntitledKamaradda laga duubay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaa ku jira muuqaal aan loo kala sixi karin nin iyo gabadh midkoodka, hase ahaatee xidhan Xijaabka Dumarka ay Diinta Islaamku u waajibisay xidhashadeesa iyo Weji Nin oo gadh iyo astaanta ninnimo ka muuqato, taasoo ka mid ah waxyaabaha ay Diinta Islaamku reebtay in qof Haween ahi nin isu eegaysiiyo ama Raggu Dumarka isu ekaysiiyo.

Muuqaalka waxa kale oo lagu khiyaameeyey oo ka muuqanaya Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Shaqaale ka tirsan Laanta Socdaalka Somaliland, Dhalinyaro, Carruur, Haween iyo Kooxaha Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka ee magaalada Hargeysa qaarkood, waxaana Muuqaalkan ujeeddada duubashadiisa ka dambeeyey Wiil reer Somaliland ah, balse waddanka Ingiriiska ka yimi, kaasoo loo malaynayo inuu Mashruuc aan weli ujeeddadiisa la shaacin ku soo qaatay.

SOMALILANDPOST.NET