DAAWO Khudbad Cajiib ah oo Guddoomiyaha HORWATCH Ka Jeediyey Shirweyne Caalami ah oo Abaalmarin lagu guddoonsiiyey

HORWATCH (8)San Francisco (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal Iinsaanka Geeska Afrika (Hornwatch) ahna Afhayeenka ururrada Xuquuqal-Aadamaha Somaliland, Saleebaan Ismaaciil Bullaale, ayaa khudbad uu ka hadlay muhiimadda dacwadda loo haysto Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Soomaali Generaal Cali Samatar u leedahay Cadaaladda Maraykanka iyo Adduunka ka jeediyey shirweynaha 17aad ee Ururka CJA oo ku qabsoomay magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka, halkaas oo Saleebaan Xuquuq lagu guddoonsiiyey Abaal-marinta Caalamiga ah ee The Judith Lee Stronach Human Rights Award oo sannad kasta la guddoonsiiyo shakhsiyaadka iyo Ururrada juhdiga galiya u dagaalanka Xuquuqda bani’aadamka iyo Cadaaladda.

HORWATCH (1)Shirweynaha 17aad ee Ururka CJA, waxa waxa sannadkan nasiib u yeeshay guddoomista abaalmarinaha Qaalliga ah hay’ad u dhaq-dhaqaaqda Xuquuqda Aadamaha iyo Saddex qof uu ku jiro Saleebaan Ismaaciil Bullaale oo isagu 20-kii sanno ee u dambeeyey ku dhex-jiray hawlaha xuquuqda Aadamaha iyo dadka laga tirada badan yahay ee Somaliland iyo Geeska Afrikaba.

HALKAN KA DAAWO